TOP 10: Tobanka Kubbad-burburiye Ee Ugu Wanaagsan Adduunka Waqtigan Oo Lasoo Saaray

Halyeeyada aan loo heesin ee kubadda cagtu, waa khadka dhexe ee kubbar-burburinta iyo waqti walba isku dhigaya kubbadaha ku socda goolkooda, kuwaas oo aan marnaba helin qiimayn u dhiganta ta weeraryahannada, isla markaana aan shaashadaha uga maqan sida kuwa goolka dhaliya.

Shaqada ay qabtaan dhexda dambe ee kubbad-burburinta ayaa loo yaqaanaa ‘Dhirty work’ ama ‘shaqada uskagga’, waana xiddigaha maalin walba laga doonayo inay feejignaan dheeraad ah ku jiraan, ilaaliyaan afarta difaac iyo goolkooda, iyagoo dhinaca kalena la shaqaynaya kubbad-dhiseyaasha ka horreeya iyo dhaliyeyaashaba.

Best diffensive midfielders

Qiimayn lagu sameeyey tobanka khad dhexe ee kubbad–burburinta ee waqtigan ugu wanaagsan adduunka, waxa kaalinta koowaad ku jira N’Golo Kante oo la isku waafaqsan yahay inuu yahay ciyaartoyga ugu wanaagsan ee booskaas, laakiin kaliya su’aasha ayaa ah kuwa ay yihiin sagaalka laacib ee soo raacaya.

Joshua Kimmich oo Bayern Munich iyo xulka qaranka Germany u ciyaara ayaa kaalinta labaad soo galay, waxaana uu ka horreeyaa Rodri oo Manchester City ah, halka Casemiro oo Real Marid iyo xulka Brazil ah uu afraad soo cidhiidhsaday.

Qiimayntan ayaa sees looga dhigay waxqabadkii ciyaartoyda ee xilli ciyaareedkii hore, sida kubbadihii ay badbaadiyeen, baasaskii ay bixiyeen, goolashii ay dhaliyeen iyo caawintii ay sameeyeen.

Halkan kaga bogo xogtii loo diiwaangeliyey tobanka kubbad-burburiye ee ugu wanaagsan adduunka waqtigan:

10) Sergio Busquets

Xilli ciyaareedkii 2020/21

  • 32 kulamada uu saftay xilli ciyaareedkii hore
  • 0 goolasha uu dhaliyey
  • 5 goolasha uu caawiyey
  • 91.3% baasaska uu dhamaystiray ciyaar walba
  • 1.8 taakalada uu sameeyey ciyaar walba

9) Declan Rice

Xilli ciyaareedkii 2020/21

  • 32 kulamada uu saftay xilli ciyaareedkii hore
  • 2 goolasha uu dhaliyey
  • 1 gool ayuu caawiyey
  • 88% baasaska uu dhamaystiray ciyaar walba
  • 1.8 taakalada uu sameeyey ciyaar walba

8) Frenkie de Jong

Xilli ciyaareedkii 2020/21

  • 35 kulamada uu saftay xilli ciyaareedkii hore
  • 3 goolasha uu dhaliyey
  • 4 goolasha uu caawiyey
  • 91.9% baasaska uu dhamaystiray ciyaar walba
  • 1.2 taakalada uu sameeyey ciyaar walba

7) Marcelo Brozovic

Xilli ciyaareedkii 2020/21

  • 29 kulamada uu saftay xilli ciyaareedkii hore
  • 2 goolasha uu dhaliyey
  • 6 goolasha uu caawiyey
  • 89.6% baasaska uu dhamaystiray ciyaar walba
  • 1.6 taakalada uu sameeyey ciyaar walba

6) Wilfred Ndidi

Xilli ciyaareedkii 2020/21

  • 25 kulamada uu saftay xilli ciyaareedkii hore
  • 1 goal
  • 4 goolasha uu caawiyey
  • 86.9% baasaska uu dhamaystiray ciyaar walba
  • 3.7 taakalada uu sameeyey ciyaar walba

5) Fabinho

Xilli ciyaareedkii 2020/21

  • 28 kulamada uu saftay xilli ciyaareedkii hore
  • 0 goolasha uu dhaliyey
  • 0 goolasha uu caawiyey
  • 90.3% baasaska uu dhamaystiray ciyaar walba
  • 1.9 taakalada uu sameeyey ciyaar walba

4) Casemiro

Xilli ciyaareedkii 2020/21

  • 32 kulamada uu saftay xilli ciyaareedkii hore
  • 6 goolasha uu dhaliyey
  • 4 goolasha uu caawiyey
  • 83.9% baasaska uu dhamaystiray ciyaar walba
  • 2.5 taakalada uu sameeyey ciyaar walba

3) Rodri

Xilli ciyaareedkii 2020/21

  • 31 kulamada uu saftay xilli ciyaareedkii hore
  • 2 goolasha uu dhaliyey
  • 2 goolasha uu caawiyey
  • 91.3% baasaska uu dhamaystiray ciyaar walba
  • 2.1 taakalada uu sameeyey ciyaar walba

2) Joshua Kimmich

Xilli ciyaareedkii 2020/21

  • 25 kulamada uu saftay xilli ciyaareedkii hore
  • 4 goolasha uu dhaliyey
  • 10 goolasha uu caawiyey
  • 86.3% baasaska uu dhamaystiray ciyaar walba
  • 1.5 taakalada uu sameeyey ciyaar walba

1) N’Golo Kante

Xilli ciyaareedkii 2020/21

  • 24 kulamada uu saftay xilli ciyaareedkii hore
  • 0 goolasha uu dhaliyey
  • 2 goolasha uu caawiyey
  • 86.5% baasaska uu dhamaystiray ciyaar walba
  • 2.6 taakalada uu sameeyey ciyaar walba

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net