Timo Werner Oo La Siiyay Dhalashada Macedonia Ka Dib Goolkii Uu Qasaariyay Shabaqa Oo Faaruq Ah Xalay Iyadoo Germany La Garaacay

Timo Werner ayaa la siiyay warqada aqoonsiga Macedonia ka dib goolkii banaanaa ee uu xalay ka qasaariyay xulka Jarmalka.

Germany ayaa guuldarro 2-1 ala kulantay xulka kaalinya 65aad kaga jira qiimeynta xulalka Adduunka iyadoo Werner uu qasaariyay gool banaan daqiiqadii 80aad ee ciyaarta iyadoo markaas ay natiijada aheyd barbaro 1-1 ah.

Image: PA

Ka dib markii uu kubad u soo dhigay Ilkay Gundogan, weeraryahanka Chelsea ayaa kalsooni darro muujiyay isagoo kubada hareermariyay gool faaruq ah oo aysan cidna ka xigin.

Shan daqiiqo ka dib markii uu qasaariyay fursadaas dahabiga aheyd, Eljif Elmas ayaa goolka guusha u dhaliyay xulka martida ahaa iyadoo Macedonia ay gaartay guul taariikhi u ah.

Ceebtii ka soo gaartay fursadii uu qasaariyay kaliya laguma dhaafin Werner, warbaahinta Macedonia ayaa sidoo kale ku maadeysatay iyagoo Werner u sameeyay kaarka dhalashada ee wadankaas madaama uu caawiyay wadankooda.

Warbaahinta Macedonia ayaa u sameysay kaar uu ku qoran yahay magaciisa, taariikhda dhalashadiisa, sawirkiisa iyo weliba saxiixiisa iyagoo sheegay inay kaarka dhalashada u siinayaan mahadnaq ah inuu ka caawiyay in wadankooda uu gaaro guushoodii ugu weyneyd abid.

Goolka uu qasaariyay Werner ayaa ahaa mid aad u xumaa xitaa daafaca xulka Macedonia Visar Musliu ayaa aaminin waayay in xiddiga Chelsea uu seegay shabaqa.

Waxaa la arkayay isagoo heysta madaxa si la mid ah Werner iyo Ilkay Gundogan.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*