Thiago Silva Oo Magacaabay Difaaca Tiir-dhexaadka U Noqon Doona Real Madrid Kaddib Bixitaanka Varane

Xiddiga Chelsea ee Thiago Silva ayaa magacaabay difaaca ay Real Madrid ku tiirsanaan doonto xilli ciyaareedyada soo socda ee u noqon doona tiirka adag, xilli uu ka tegay Sergio Ramos isla markaana uu Raphael Varane qarka u saaran yahay Manchester United.

Thiago Silva ayaa ku sugan waddankiisa Brazil oo uu kaga qayb-gelayo tartanka Copa America ayaa waxa uu ka garab ciyaaray Eder Militao oo si joogto ah ugu ciyaaray kulamadii dalkaas ee intii uu socday tartanku, halka uu bandhig heersare ahaa muujiyey qaybtii dambe ee xilli ciyaareedkii hore ee Real Madrid.

Militao

23 jirkan ayaa bandhig heersare ah ka samaynaya Copa America, waxaanu helay kalsoonida iyo amaanta Thiago Silva oo rumaysan in uu laacibkani noqon doono tiir muhiim ah oo Real Madrid ku taagnaan doonto sannadaha soo socda.

“Kaddib tegistii Sergio Ramos, waxa aan rumaysanahay in Militao uu noqon doono mid ka mid ah tiirarka Real Madrid.” Ayuu yidhi Thiago Silva oo Arbacadii ka hadlayay shir jaraa’id.

Silva waxa uu amaan u jeediyey Militao oo ay labadooda kooxood ee Chelsea iyo Real Madrid ku kulmeen semi-finalka Champions League xilli ciyaareedkii hore.

“Waxa aan u sheegay ciyaartoyadii semi-finalka Champions League ee Chelsea iyo Madrid kaddib, in uu sii wado inuu u ciyaaro sidaas, wuxuu qaadanayay sannad wanaagsan, in uu sii waday taasna waxay macnaheedu ka dhigan tahay in aanu xulka qaranka u wada ciyaarayno waqti badan.” Ayuu yidhi.

Thiago Silva waxa uu sharraxay waxyaabaha uu ku fiican yahay Militao, waxaanu yidhi: “Militao wuxuu in badan ku kalsoon yahay orodkiisa. Waa ciyaartoy aad u dheereeya, mararka qaarkood hore ayuu u socdaa sababtoo ah wuxuu ogyahay inuu soo noqon karayo.

“Sidaas oo kale waxa aan bartay xilligii aan imid AC Milan, waxaanan isku dayaa in aan isaga baro.”

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

1 Fekrad

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*