Telefishanka beIN Sports Oo Soo Saaray Wariyeyaasha Tabinaya Kulamada Usbuucan – Yaa Qabanaya Arsenal vs Liverpool & Leicester vs Man City?

Telefishanka beIN Sports ayaa soo saaray jadwalka wariyeyaashiisa ee kulamada horyaallada Premier League, LaLiga, Ligue 1 iyo Serie A, iyadoo dhamaan kulamada waaweyn ay ku jiraan baahinta telefishankan.

Horyaalka Premier League ayaa ah kan ugu xiisaha badan ee kulamada waaweyn ay ka jiraan, waxaana ballansan Arsenal iyo Liverpool oo foodda isku daraya ciyaart muhiimad weyn u leh labada kooxoodba. Gunners ayaa u baahan guul ay kusoo noolayso rajadeeda ah inay ka qayb-geli karto Europa League xilli ciyaareedka dambe, halka Reds ay u dagaallamayso in ay sare usoo kacdo oo ay fursad uga raadsan karto Champions League.

Manchester City ayaa iyaduna tegaysa garoonka King Power Stadium oo ay marti ugu noqonayso Leicester City, waxaana fursadda kaliya ee ku jirta kulankan ay tahay haddii laga badiyo Leicester City oo ay kusoo dhowaan karaan kooxaha ka hooseeya, halka City oo laga adkaado aanay waxba ka beddelayn horyaalka oo ay dhibco badan ku hoggaaminayso.

Horyaalka Spain ee LaLiga ayay maanta ciyaaraysaa Real Madrid, halka Barcelona ay ciyaarteeda usbuuca dheelayso Isniinta iyo Atletico oo Axadda berri ciyaaraysa.

Horyaalka Talyaaniga ee Serie A ayay kooxaha waaweyn ee Inter Milan, Juventus iyo AC Milan intuba kulamadoodu dhacayaan Sabtida maanta, halka PSG ay foodda darayso Lille oo ay hoggaanka Ligue 1 wada-jir u hayaan.

Telefishanka beIN Sports ayaa ciyaarta Leicester City iyo Manchester City u diray inuu daadihiyo wariyaha codka macaan ee Rauf Khalif, halka Arsenal iyo Liverpool uu qabanayo Cali Maxamed Cali.

Halkan kaga bogo jadwalka baahinta wariyeyaasha beIN Sports:

Sabtida

AC Milan vs Sampdoria – Axmed Baluushi

Chelsea vs West Brom – Xasan Caydaruus

Napoli vs Crotone – Axmed Cabdi

Sasoulo vs Roma – Caadil Khalu

Real Madrid vs Eibar – Yuusuf Sayf

PSG vs Lille – Jawad Badah

Torino vs Juventus – Maxamed Barakaat

Leicester vs Man City – Rauf Khalif

Bologna vs Inter Milan – Suwaar Al-dahab

Arsenal vs Liverpool – Cali Maxamed Cali

Axadda

Newcastle vs Tottenham – Yuusuf Sayf

Manchester United vs Brighton – Khaalid Xaddi

Sevilla vs Atletico Madrid – Xafiid Daraji.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*