Telefishanka beIN Sports Oo Soo Saaray Wariyeyaasha Tabinaya Kulamada Champions League – Yaa Qabanaya City vs PSG & Chelsea vs Real?

Kulamada labaad ee semi-finalka Champions League ayaa la ciyaarayaa caawa oo Salaasa iyo habeen dambe oo Arbaca ah, waxaana la go’aamin doonaa labada kooxood ee u gudbaya finalka, isla markaana u safri doona magaalada Istanbul ee waddanka Turkey, gaar ahaan garoonka Ataturk Olympic Stadium oo 31 May lagu ciyaari doono finalka Champions League ee xilli ciyaareedkan.

Manchester City ayaa garoonkeeda Etihad Stadium waxay caawa ku qaabbili doontaa PSG oo ciyaartii hore ee magaalada Paris ay kaga soo badisay 2-1, waxaana Pep Guardiola uu doonayaa in kulankii toddobaad oo xidhiidh ah ee Champions League uu guuleysto, si uu rikoodh cusub ugu dhigo kubadda cagta.

Habeen dambe oo Arbaca ah ayay magaalada London ku wada ciyaari doonaan Chelsea iyo Real Madrid, waxaana labadan kooxood oo kulankoodii hore ku dhamaystay 1-1 ay ku kala bixi doonaan garoonka Stamford Bridge.

Xilli ciyaareedkan ayay dhici kartaa in laba kooxood oo Ingiriis ah ay iskugu yimaaddaan finalka maadaama  ay kulamadii hore natiijooyin fiican ka keeneen, laakiin haddana wax walba way isbeddeli karaan.

Telefishanka beIN Sports oo kulamadan tabinaya ayaa shaaciyey wariyeyaashiisa luuqadda Carabiga ku lafa-guri doono kulamadan, gaar ahaan mucallaqa ciyaarta daadihin doona.

Kulanka caawa ee Manchester City iyo Paris Saint-Germain ayaa loo doortay Jawad Badah oo qaban doona ciyaartan, halka kulanka Chelsea iyo Real Madrid loo magacaabay in uu daadihiyo wariyaha caanka ah ee Rauf Khaliif.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*