TAARIIKH: Tababarihii Ugu Yaraa Taariikhda Horyaalka Premier League Oo Xalay Guuleystay – Akhriso Macallimiintii Ugu Da’da Yarayd Abid

Tababaraha cusub ee kooxda kubadda cagta Tottenham ee Ryan Mason  ayaa lagu qoray taariikhda horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, kaddib markii uu noqday tababarihii ugu da’da yaraa ee taariikhda soo mara horyaalka.

Ryan Mason oo si ku-meelgaadh ah loogu magacaabay Tottenham ayaa guul soo hooyey ciyaartiisii ugu horreysay, iyadoo uu kooxda kusoo celiyey jidka guusha oo labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee horyaalka ay ka maqnayd.

Mason oo beddelay Jose Mourinho oo horraantii toddobaadkan shaqada laga caydhiyey, ayaa waxa uu xalay usoo hooyey saddexdii dhibcood ee ugu horreeyey iyagoo 2-1 ku garaacay Southampton oo gool kala hor-martay.

Tababarahan ayaa noqday macallinkii ugu da’da yaraa  ee Premier League soo mara, waxaanay da’diisu tahay 29 sannadood iyo 312 maalmood, waxaanu saddex sannadood ka yar yahay tababarihii hore u haystay rikoodhka macallinka ugu da’da yar.

Tababareyaasha uu rikoodhadooda jabiyey

Mason ayaa jabiyey rikoodhka tababarihii ugu da’da yaraa oo uu hore u haystay Attilio Lombardo oo isagoo 32 sannadood iyo 67 maalmood jir ah noqday tababaraha Crystal Palace sannadkii 1998kii.

Waxa kale oo uu dhaafay Frank Sibley oo ahaa tababarihii ugu da’da yaraa taariikhda kubadda cagta Ingiriiska ee heerarka koowaad oo sannadkii 1977kii oo QPR Maamulay ciyaar ay la dheeshay Everton, waxaanu waqtigaas jiray 29 sannadood iyo 308 maalmood, laakiin Sibley ayaan ahayn tababare caadi oo ciyaartaas oo kaliya kooxda layliyey.

Muxuu Mason yidhi ciyaarta kaddib?

Ciyaarta kaddib ayuu warbaahinta la hadlay, waxaanu yidhi: “Waxay ila tahay in ay ahayd ciyaar heersare ah, aad ayaanan ugu hanweynahay wiilasha (ciyaartoyda Tottenham). Waxay muujiyeen tamar badan iyo geesnimo badan gaar ahaan 20-30kii daqiiqadood ee ugu horreeyey.”

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

1 Fekrad

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*