Solskjaer Oo Wax Laga Weydiiyey Halka Uu Marayo Heshiiska Ay Kula Soo Wareegayaan Raphael Varane

Kaddib markii ay soo dhamaatay ciyaartii saaxiibtibtinimo ee ay maanta 2-1 ku garaaceen Derby County, Ole Gunnar Solskjaer ayaa wax laga weydiiyey heshiiska la sheegay in kooxdiisu qarka u saaran tahay ee difaaca Real Madrid ee Raphael Varane.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa warbaahinta hor-yimid markii ay soo dhamaatay ciyaartu, waxaanu ka jawaabay su’aalo daran-doorri ahaa.

comp 1626621787

Tababaraha ayaa xaqiijiyey in kooxdiisu ay si degdeg ah ugu dhawaaqi doono Jadon Sancho oo ay wax walba u dhan yihiin dhinacyada, horena heshiis shaqsi ah ay Manchester United ula sii gashay, laakiin waxa uu ka baxsaday su’aal kale oo loo hoos geliyey oo la xidhiidhay Varane.

Macallinka reer Norway ayaa la weydiiyey su’aalu dhignayd: “Maxaad u doonayseen heshiiska Jadon Sancho?”. Waxa uu ku jawaabay: “Waxa aan ka hadli doonaa ciyaartoyda marka aanu la saxeexano, laakiin ka hadli maayo inta uu ciyaartoygu joogo koox kale.”

Intaas kaddib ayaa waxa loo raaciyey su’aal kale oo degdeg ahayd, taas oo ahayd: “Sidee ayaad ugu dhowdihiin saxeexa Varane?”

Isla markii ay su’aashu kasoo dhamaatay afka wariyaha oo si degdeg ah hadalka u yidhi, waxa uu Ole Gunnar Solskjaer sii bilaabay qosol, waxaanu isagoo qoslaya yidhi: “Isaguna waa sidaas oo kale uun [Sida Sancho aanu uga hadlayn illaa inta uu United imanayo].”

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

3 Fekradood

  1. Markaas waa ay iska cadahay in Varane soo socdo. Varane wuxuu doonayaa imaanshaha united taas oo uu kulla midoobi doono sxbkiisa ay isku wadanka yihiin Pogba iyo kuwo kalle. Varane waa difaac qibrad badan u leh champions league taasoo United marar badan ku dhibtootey inney meel fiican ka gaaraan. Waxaad moodaa United inney sedexleyda qaadi doonaan hadii arinta sidaa iyo si kafiican kusii socoto. 😂

    • Wa suuq gal aad uwanaagsan waana bar tilmaamedyo aad muhiim ugu ah kooxda wax walba sidii loodajiyay ayey ku socdaan

  2. Marka aad fiiriso maqaamka uu uga jawaabay suaalaha waxaad moodaa jawaabta 1aad ee sancho in ey ahayd mid uu ugu talagalay in uu albaabada kagaxirto suaasha VARANE balse sikastaba waxaan anigu isleeyahay sida dhaqdhaqaaqooga laga dareemayo in ey atleast hal ciyaartooy ookale keeni doonaan

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*