Solskjaer Oo Shax Bedelkii Jamaahiirta Man United Sugayeen Samaynaya, Labada Xiddig Ee Ku Boos Waayaya & Kuway Fursada U Tahay

Tababaraha kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa lagu soo warramayaa inuu samayn doono shax bedel cusub xilli ciyaareedka dambe isaga oo doonaya inuu wax ka bedelo hanaankii uu hore kooxdiisa ugu ciyaarsiin jiray.

Sida uu sheegayo wargeyska ESPN, Solskjaer ayaa u guuraya shaxda 4-3-3 ee weerarka raacsan isaga oo ka guuraya 4-2-3-1 oo uu mudo soo adeegsanayay.

Ah9VdQLV?format=jpg&name=small

Warbixinta ESPN ayaa sheegaysa in tababaraha ree Norway uu kala dhantaalayo xiddigaha Fred iyo Scott McTominay oo ahaa lamaanahiisa khadka dhexe ee uu aaminsan yahay.

Solskjaer ayaa doonaya inuu kaliya hal khad dhexe oo kubad bur-buriye ah ku ciyaaro si uu hal shax ugu wada adeegsan karo Jadon Sancho, Bruno Fernandes iyo Paul Pogba oo uu ka daynayo booska garabka weerar ee uu xilli ciyaareedkii hore kulamo badan kasoo ciyaarsiiyay.

ESPN ayaa intaas ku daraysa in ay United waajib ku tahay inay la saxeexato daafac dhexe oo ku wanaagsan baaska iyo kubad haysashada waxaana bar-tilmaameedka koowaad ee Red Devils uu yahay Raphael Varane oo Real Madrid ka tirsan.

Jamaahiirta Man United ayaa ku dooda in Fred iyo McTominay ay hayaan shaqadii uu hal khad dhexe oo bur-buriye ahi qaban lahaa isla markaana ay caqabad ku yihiin in Pogba khadka dhexe ka ciyaaro.

 

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

3 Fekradood

  1. Wa halkaas ugu wanagsan ee xal kuheli karan ciayartooyda leh werarka saani waa u guul naadiga harii uu San u ciyaaro waxaa imanaysa werar israacsan oon la celin Karin

  2. Shaxda weerarka ku dhisan waa mida kalsoonida iyo awooda kooxda ka turjumeysa lkin labo sey wax jiro maahan taasina waxa aay wanaagsanaaneysaa marka difaacaagu tayo uu leeyahay viva united

  3. Keliya haka daayo in uu qofwalbo uu ciyaarsiiyo ama uu 7ciyaar kadib inuu shaxda dhan uu badalo waxa sanadka hore ladilay waaye .

    Ugudbi ole

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*