Sidee Ayay Arsenal Ugu Soo Noqon Kartaa Kaalinteedii Oo Ay Ku Qaadi Karaysaa Horyaalka Premier League? – Stan Kroenke Oo Sirta La Siiyey

Halyeygii Arsenal ee Lauren ayaa u sheegay kooxdiisa hore, sida ay mar kale ugu soo noqon karayaan kaalintoodii horyaalka Premier League ee ay koobka ku hanan karayaan.

Arsenal oo isku diyaarinaysa kulanka Khamiista ay foodda isku darayaan Villarreal oo uu hoggaaminayo Unai Emery, lugta hore ee semi-finalka Europa League, ayaa waxa haddii ay koobkaas qaaddo ay ka ciyaari doontaa tartanka Champions League xilli ciyaareedka dambe, waana fursadda kaliya ee ay haystaan maadaama ay horyaalka kaalinta 10aad kaga jiraan.

Difaacii reer Cameroon ee Lauren oo ka mid ahaa ciyaartoydii iyagoon marna laga badin Arsenal u qaaday Premier League sannadkii 2003, ayaa waxa uu mulkiilaha kooxdaas ee Stan Kroenke iyo ciyaartoydaba waxa uu u sheegay, in tallaabada u horreysa ee ay jidka guulaha ugu soo laabanayaan ay tahay in ay hantaan tartanka Europa League, kaas oo fursad u siinaya in ay Champions League kasoo muuqdaan.

Lauren ayaa yidhi: “Miiska kala-sarraynta ayaa muujinaya in Arsenal ay jid dheer soo qaadayso. Laakiin kooxdu waxay joogtaa marxalad, ay ciyaar fiican ku soo bandhigi karayaan iyagoo haysta ciyaartooyo da’yar oo heersare ah.

“Bukayo Saka ayaa ah laacib heersare ah, Emile Smith-Rowe ayaa ka ciyaari karaya boos walba, si fudud ayuu u dheeli karayaa isagoo baaska saxda ah bixinaya waqtiga saxda ah. Bukayo ciyaartiisa ma dedejiyo.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu Lauren yidhi: “Kuma guuleysan karaysid horyaalka marka ay joogto Man City oo haysata De Bruyne, Sterling, Gabriel Jesus, Gundogan, waxay haystaan ciyaartooyo badan oo heerkoodu sarreeyo.

“Arsenal waa in ay is-dhisto oo ay isku daydo in ay soo qabato City. Waxaad u baahan tihiin in aad ciyaartaan Champions League sannad walba, taas oo idin siin karta adeeg iyo awood aad kusoo jiidataan ciyaartooyo horyaalka idinku guuleyn kara. Si daacad ah haddii aan u hadlo, hal tallaabo ayaanu ka dambaynaa Manchester City, Chelsea ama xataa Liverpool.”

 

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*