SHEEKOOYINKII XULKA FRANCE: Xiddigii Iska Diiday Inuu In La Beddelo & Dagaalkii Dhex-maray Didier Deschamps

Qisooyin waalli ah ayaa ka dhacay kulankii xulka qaranka France uu kaga hadhay tartanka qaramada Yurub ee ay Switzerland rikoodheyaasha kaga badisay.

Waxa aanu maanta idinla wadaagnay laba qiso oo hore. Midda koowaad ayaa ahayd inay isku dhaceen qoysaska saddexda ciyaartoy ee Adrien Rabiot, Paul Pogba iyo Kylian Mbappe, kuwaas oo hooyooyinkood oo garoonka wada joogay, isna ag-fadhiyey ay isku dhaceen ciyaarta kaddib, muddo 20 daqiiqo oo ay is-haysteen kaddibna ay boolisku soo dhex-galeen.

France1 1

Dhacada labaad ayaa waxay ahayd in ciyaartoyda xulka Faransiisku ay is-aflagaaddeeyeen markii ay garoonka kasoo baxeen ee ay yimaaddeen qolka lebbiska, waxaana laacibiintaas ka mid ahaa Pogba, Varane, Pavard iyo Rabiot.

Intanba sheeko kala oo ka duwan ayaa soo baxday, waxaana la ogaaday in ciyaartoy dhaawac ah uu garoonka ku jiray oo uu iska diiday inuu soo baxo, xilli tababarahana ay isku dhaceen.

Laacibka garabka weerarka ka ciyaara ee Kingsley Coman oo beddel kusoo galay waqtigii nasashada, laguna beddelay Clement Lenglet ayaa uu dhaawac soo gaadhay bilowga qaybta hore ee 30kii daqiiqadood ee dheeraadka ahaa ee ciyaarta lagu daray.

Sida uu qoray wargeyska L’Equipe, tababare Didier Deschamps ayaa isku dayay inuu soo beddelo 25 jirkan maadaama uu dhaawac yahay, laakiin Coman ayaa tababarihiisa iska diiday, una sheegay in aanu baxayn xataa isaga oo dhaawac ah.

Wargeyska ayaa intaa ku daray, in Coman iyo Deschamps ay murmeen xilli uu laacibkani dhex-taagnaa garoonka oo uu diiday beddelka.

Markii uu Coman diiday beddelka ayuu Deschamps ku yidhi: “Laakiin ma doonaysid inaad ciyaarto, Kingsley”.

Laacibkan ayaa la sheegay in uu doonayay inuu ciyaarta dhamaysto isagoo dhaawac ah oo waxqabadkiisu liito, sababtana waxa lagu sheegay inuu diiddanaa in dadku u arkaan mid mar walba dhaawac ah oo aan ciyaaraha dhamaysan karin, maadaama uu kooxdiisa Bayern Munich marar badan dhaawac kaga  baxay.

Ugu dambayntii daqiiqaddii 111aad ayaa laga dhaadhiciyey Coman inuu ciyaarta ka baxo, waxaana lagu soo beddelay Marcus Thuram oo rikoodhihiisiina dhaliyey.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*