SHEEKO CUSUB: Messi Oo Xiddig Man United Ah Uga Dhaartay Inuu U Bedelo Garankiisa, Shaqsigii Is-Fahamsiiyay & Waxa Uu Messi Ka Cadhooday

Khadka dhexe ee kooxda Manchester United ee Scott McTominay ayaa shaaca ka qaaday sidii uu kabtanka Barcelona ee Lionel Messi ugu dhawaaday inuu maaliyadiisa u diido kulankii labadooda kooxood ku dhex maray gegida Old Trafford sanadkii 2019.

Kulankaas ayaa ahaa mid ka tirsanaa wareega siddeed dhammaadka Champions League ee xilli ciyaareedkaas iyadoo gool uu si qaldan iskaga dhaliyay Luke Shaw uu guusha siiyay Barca.

Image

Laakiin inta uu kulankaasi socday, Messi ayaa arkay sankiisa oo dhiig laga keenay kaddib markii uu daafacii Manchester United ee wakhtigaas ee Chris Smalling suxuleeyay.

Laakiin kulanka kaddib markii uu McTominay isku dayay inuu Messi weydiisto garankiisa isaga oo u dhex maraya Sergio Romero oo ay Argentina kasoo wada jeedaan ayuu xiddiga Barcelona u maleeyay inuu isaga ahaa midkii suxulka dhiiga kaga keenay sankiisa.

Scott McTominay oo waraysi siiyay ESPN ayaa sheegay inuu u baahday inuu Romero u sharraxo inuusan isaga ahayn midkii suxulka ku dhuftay oo uu Smalling ahaa sidaasna uu garanka kaga helay.

“Waxaan haystaa garankiisa (Messi), markii aanu isaga Barcelona kaga hortagnay, Chris Smalling ayaa isaga suxuleeyay sanka ayuuna dhiig ka yimid isaga, laakiin waxa uu moodayay inuu aniga ahaa” ayuu yidhi Scott oo ESPN la hadlayay.

“Waxaan ku idhi Sergio Romero ‘Sergio fadlan ma weydiin kartaa Messi haddii aan garankiisa heli karo?’ Sergio wuu soo laabtay waxaana uu yidhi ‘Waxa uu u malaynayaa inuu adiga ahaa midkii garoonka dhexdiisa ku suxuleeyay”

“Waxay noqotay inaan idhaahdo ‘Maya,maya, maya, u sheeg inuusan aniga ahayn, hubi inaan garankiisa helo sababtoo ah waxaan dhiganaysaa qolkayga hurdada”

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

1 Fekrad

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*