SHEEKO CUSUB: Chelsea Oo Xataa Tababare Amaah Ku Dirtay & Kooxda Uu Tagay

Kooxda Chelsea oo aad caan ugu ah inay xiddigo badan oo da’yar ah amaah ugu dirto kooxo dunida dacaladeeda ka ciyaara ayaa markan samaysay arrin kale oo cajiib ah.

Blues ayaa ahaa kuwo aad ugu faa’ida xiddigaha ay amaahda ugu diraan kooxaha kale waxaana ay ciyaaryahano badan oo horumar kusoo sameeyay kooxo kale ugu dambayn muhiim ka noqdeen shaxda Stamford Bridge.

Chelsea loan coach James Simmonds to AFC Wimbledon

Chelsea ayaa markan qaaday talaabo dhif ah iyaga oo qaab amaah ah ku diray tababare James Simmonds oo ahaa caawiyaha kooxdooda 18 sano jirada ka yar sida uu sheegayo wargeyska Daily Mail.

Simmonds ayaa heshiiskaas ugu wareegay kooxda AFC Wimbeldon, go’aankaas ayaa noqon kara mid uu khibrad badan kusoo korodhsado tababarahaasi balse arrinta hadal haynta badan dhalisay ayaa ah aragtida ah in macalin qaab amaah ah lagu bixiyo.

James Simmonds ayay wararku sheegayaan inay Chelsea ka qabto rajo badan oo mustaqbalka ah sidaas darteedna ay talaabadan ugaga caawinayso inuu horumar soo sameeyo oo uu kooxda doorar ka muhiimsan kuwii hore ka qaban karo.

James Simmonds Chelsea U18 | Glenn Hoddle, Mason Mount and beating a low block | Ask the Coach - YouTube

 

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*