Shearer Mise Henry? Halyeeyga Il-Bidhiqsigii Ugu Dambeeyay La Geliyay Booskii “Hall Of Fame” Ee Ryan Giggs Iyo Sababtii Isaga Looga Saaray

Halyeeyga kooxda Manchester United ee Ryan Giggs ayaa lagu soo warramayaa inuu aad uga cadhooday in laga reebay liiska halyeeyada lagu sharfayo bandhiga “Hall Of Fame” ee horyaalka Premier League waday maalmahan ugu dambeeyay.

Theirry Henry iyo Alan Shearer oo ahaa weeraryahanadii ugu fiicnaa ee kasoo ciyaaray tartankaas ayaa ahaa labadii shaqsi ee ugu horreeyay ee lasoo bandhigay, halyeeyga Arsenal ee Henry ayaa lagu sheegay midka daqiiqadii ugu dambaysay booska looga saaray Giggs.

Wargeyska The Mirror ayaa sheegaya in Giggs ay layaab ku noqotay in laga reebay xulashada labada halyeey ee ugu horreeya ee “Hall Of Fame” iyadoo looga saaray sababta kiis laba dumar ah oo dhawaan lagu soo eedeeyay.

Eedaymaha ayaa ay mid kamidi kaga timid saaxiibtiisii hore ee Kate Greville oo ay isku dhaceen isaga oo ay wada joogeen guri uu leeyahay.

Wargeyska The Sun ayaa ahaa midkii dhawaan shaaciyay in 47 sano jirkaas hore ugu soo ciyaaray Man United uu xabsi shan sano ah ku mudan karo falalka lagu haysto.

Giggs ayaa lagu eedeeyay inuu mudo saddex sano ah xakamaynayay oo uu xoriyada ka qaaday saaxiibtiisii hore, sidoo kale Ryan ayaa loo haystaa inuu jidh ahaan dhaawac u gaystay gabadhaas.

Ryan Giggs ayaa 13 horyaal kula soo guuleystay Man United isaga oo ah xiddiga abid ugu safashada badan kooxdaas isla markaana ah ciyaaryahanka abid ugu koobabka badan ee England ka ciyaaray kaddib 34 koob oo uu Red Devils lasoo hantay.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*