Shaxdii Ugu Fiicnayd Wareegii 16-ka Ee Euro 2020 & Xulalka Yar-Yar Ee Awooda Cad Sheegtay

Shabakadda caalamiga ah ee Whoscored.com ayaa soo xulatay shaxdeeda ugu fiicnayd wareegii 16-ka ee tartanka Euro 2020 oo ahaa wareeg mucjisooyin badan lahaa oo ay si lama filaan ah ugu hadheen xulal qaarkood loo saadaalinayay hanashada koobka.

Xulalka macasalaameeyay tartanka intii wareegaasi socday ayaa laga xusi karaa Germany, Portugal, France, Croatia iyo Netherlands waxaana wareega xiga si lama filaan ah ugu gudbay dalal laga magacaabi karo Switzerlands iyo Czech.

Image

Aan ku bilawnee goolhayaha xulashada Whoscored ee wareegaas ayaa ah Thibaut Courtois oo goolal badan ka beeniyay Portugal oo ay wareega 16-ka ku reebeen ciyaar adag oo Belgium ay guul 1-0 ah gaadhay.

Khabiirka daafaca dhexe ee xulka Talyaaniga e Acerbi oo booska uu Cheilini ka dhaawacmay si fiican u buuxinaya iyo Kalas oo kamid ahaa xiddigihii Czech ka caawiyay guushii ay ka gaadheen Netherlands ayaa daafaca dhexe ku midaysan.

Labada daafac garab ayaa kala ah Cesar Azpilicueta oo Spain gool uga soo dhaliyay ciyaartii Croatia halka uu daafaca bidix yahay Maehle oo udub dhaxaad usoo ahaa in Denmark guul 4-0 ah iyo shabaq nadiif ah kala baxdo kulankii Wales.

Paul Pogba oo bandhig cajiib ah soo sameeyay balse xulkiisa France hadhay iyo Holes oo Czech muhiim uga soo ahaa ciyaartii Netherlands ayaa khadka dhex ku midaysan.

Labada garab ee xulashadan ayaa kala ah xiddigaha Man City ee Ferran Torres oo gool iyo caawin usoo sameeyay Spain kulankii Croatia iyo Zinchenko oo gool muhiim ah uga soo dhaliyay xulka Ukraine kulankii ay guusha 2-1 ka ah ka gaadheen Sweden.

Labada weeraryahan ee lamaanaha ku ah afka hore ayaa kala ah Seferovic oo laba gool oo madax ah kusoo kala dhantaalay France iyo Dolberg oo isaguna laba gool kasoo dhaliyay Wales.

Shaxda Oo Sawir Ah & Qiimaynta Xiddig Kasta Kusoo Galay

Image

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

3 Fekradood

  1. Aniga fikirkayga
    Courtois
    Caesar
    Shaw
    Anderveler
    Christènsen
    Xchaka
    Tellamens
    Serabia
    Suchen
    Lucacu
    Benzema

  2. Asc laacib Waxman ahay taageere ku xiran laacib waxan idinka codsanaya appka cusub ee laacib kama helaayo wararkii na dhaafay page 2 marka dhahdid makuso saarayo marka fadlan noo hagaajiya thanks

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*