Shaxda Rasmiga Ah Ee Manchester United vs Brighton – Solskjaer Oo Isbedello Sameeyey

Ole Gunnar Solskjaer ayaa mar kale kaydka u diray goolhaye David de Gea oo mustaqbalkiisa Old Trafford uu mugdi sii gelayo, waxaana uu ka doortay Dean Henderson oo kusoo bilowday ciyaarta ay ku martigelinayaan Brighton.

Scott McTominay ayaa loo diray kaydka, waxaana kasoo hormaray xiddiga reer France ee Paul Pogba oo kusoo bilowday, halka Edinson Cavani uu hoggaaminayo weerarka oo ay iska garab ciyaarayaan Marcus Rashford iyo Mason Greenwood oo kasoo kabtay dhaawac fudud oo kasoo gaadhay ciyaaraha caalamiga ah.

Khadka dhexe ayay Pogba kala ciyaarayaan Bruno Fernandes iyo Fred, halka difaacana ay wada taagan yihiin Harry Maguire, Lindelof, Aaron Wan-Bissaka iyo Luke Shaw.

Shaxda rasmiga ah ee labada kooxood

Manchester United XI: Henderson, Shaw, Wan-Bissaka, Lindelof, Maguire, Fred, Pogba, Fernandes, Greenwood, Rashford, Cavani.

Kaydka: De Gea, Diallo, James, Matic, Williams, Van de Beek, Tuanzebe, McTominay.

BRIGHTON XI: Sanchez, White, Dunk, Veltman, Bissouma, Lallana, Moder, Gross, Trossard, Welbeck, Maupay.

Kaydka: Steele, Karbownik, Mac Allister, Jahanbakhsh, Alzate, Izquierdo, Propper, Caicedo, Zeqiri.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*