Shaxda Rasmiga Ah Ee Leeds United vs Liverpool – Salah Oo Kaydka Fadhiya, Fabinho Oo Difaaca Lagu Celiyey & Isbedellada Uu Klopp Sameeyey

Jurgen Klopp ayaa isbeddelo ku sameeyey safkiisa kulanka adag ee Leeds United, waxaana uu kaydka dhigay Mohamed Salah 30 ka mid ah 31kii ciyaarood ee ugu dambeeyey, waxaana booskiisa soo buuxiyey Diogo Jota oo ka garab ciyaaraya Roberto Firmino iyo Sadio Mane.

Khadka dhexe ayay kusoo wada bilowdeen Thiago Alcantara, James Milner iyo Wijnaldum, laakiin xiddiga reer Brazil ee Fabinho ayaa lagu celiyey kaydka isagoo beddelay Nathaniel Phillips oo aan garoonkaba joogin, waxaanay iskaashanayaan Ozan Kabak.

Dhinacyada difaaca ayay taagan yihiin Andy Robertson iyo Alexander-Arnold.

Tababare Jurgen Klopp ayaa beddel ahaan u adeegsan kara Naby Keita, Mohamed Salah,  Oxlade-Chamberlain iyo Shaqiri oo ah ciyaartoyda kaydka fadhida.

Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood:

Liverpool XI: Alisson, Alexander-Arnold, Kabak, Fabinho, Robertson, Wijnaldum, Thiago, Milner, Jota, Firmino, Mane

Kaydka: Adrian, Keita, Salah, Tsimikas, Oxlade-Chamberlain, B Davies, R Williams, N.Williams, Shaqiri

Leeds XI: Meslier, Ayling, Llorente, Struijk, Alioski, Phillips, Dallas, Roberts, Helder Costa, Harrison, Bamford

Kaydka: Casilla, Koch, Poveda, Hernandez, Berardi, Gelhardt, Klich, Shackleton, Davis

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*