Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Man United vs Burnley – Ole Oo Cavani Keydka Dhigay & Clarets Oo Uu Xiddigii Ugu Fiicnaa Ka Maqan Yahay

Kooxda booska labaad kaga jirta miiska kala sarreynta horyaalka ee Manchester United ayaa soo dhawaynaysa dhigeeda Burnley kulan ay doonayaan inay markale soo yareeyaan farqiga goolasha ee u dhaxeeya iyaga iyo Manchester City oo hoggaanka haysa.

Red Devils ayaa guul ay gaadhaan kulankan ay isku kulamo ku noqon doonaan City oo kaliya siddeed dhibcood ay u jirsan doonaan taas oo markale gelin doonta hammiga ah inay horyaalka u tartamaan lixda kulan ee hadhsan.

Solskjaer ayaa kulankan markale keydka dhigay David De Gea, sidoo kale Cavani iyo Dan James isaga oo kusoo bilaabay afka hore Pogba, Greenwood iyo Rashford halka Burnley uu ka maqan yahay goolhaye Nick Pope.

Shaxda Kulankan Ee Labada kooxood

Burnley: Peacock-Farrell, Lowton, Tarkowski, Mee, Taylor, Cork, Westwood, Brownhill, Gudmundsson, McNeil, Wood

Keydka: Norris, Stephens, Rodriguez, Pieters, Bardsley, Vydra, Nartey, Dunne, Richardson

Man United: Henderson, Wan-Bissaka, Lindelof, Maguire, Shaw, Fred, McTominay, Pogba, Fernandes, Greenwood, Rashford

Keydka: De Gea, Cavani, Mata, James, Telles, Matic, Williams, Van de Beek, Tuanzebe

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*