Shaxda Rasmiga Ah Ee Chelsea vs Zenit – Thomas Tuchel Oo Shaxdii Ugu Adkayd Kusoo Bilaabay

Chelsea ayaa garoonkeeda Stamford Bridge waxay ku martigelinaysaa Zenit St Petersburg halkaas oo ay uga bilaabmayso dagaalka ay u gelayso inay difaacdaan koobka  ay xilli ciyaareedkii hore hanteen.

Chelsea Zenit

Tababare Thomas Tuchel ayaa shax adag kusoo bilaabay, isagoo isbeddelku sameeyey safkii uu kula ciyaaray Aston Villa maalintii Sabtida, waxaana uu kaydka dhigay Kai Havertz oo uu ka doortay Mason Mount iyo Jorginho oo beddelay Saul Niguez.

Weeraryahanka reer Belgium ee Romelu Lukaku ayaa hoggaaminaya xiddigaha Chelsea ugu soo bilowday, waxaana caawinaya Hakim Ziyech iyo Mason Mount, halka  khadka dhexena  ay ka wada ciyaarayaan Mateo Kovacic iyo Jorginho, halka Marco Alonso iyo Reece James ay khadka dhexe caawinayaan.

Saddexda difaac dhexe ee Cesar Azpilicueta, Christensen iyo Antonio Rudiger ayaa kusoo bilowday, halka uu Thiago Silva kaydka ku jiro, sidoo kalena  Hudson-Odoi oo maan badan mutaystay ciyaartii hore uu kaydka kasoo muuqdo.

Shaxda rasmiga ah ee labada kooxood

CHELSEA XI: Mendy, James, Azpilicueta, Christensen, Rudiger, Alonso, Kovacic, Jorginho, Mount, Ziyech, Lukaku

Kaydka: Kepa, Bergstrom, Silva, Werner, Loftus-Cheek, Chalobah, Saul Niguez, Barkley, Hudson-Odoi, Chilwell, Havertz, Sarr

ZENIT XI: Kritsyuk, Sutormin, Chistiakov, Rakitskyy, Douglas Santos, Malcom, Wendel, Barrios, Kuzyaev, Claudinho, Azmoun

Kaydka: Kerzhakov, Odoevski, Krugovoi, Mostovoy, Erokhin, Dzyuba, Kravstov, Khotulev

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*