Shaxda Rasmiga Ah Ee Bayern Munich vs PSG – Xiddigo Waaweyn Oo Maqan, Kuwo Kaydka Ku Jiro Iyo Shaxaha Adag Ee Labada Kooxood

Ku-celiska finalkii Champions League ee 2020 ayaa caawa la daawanayaa, waana Bayern Munich iyo PSG oo mar kale foodda is-daraya. Waa isla tartankii laakiin marxalad ka duwan maraya.

Kooxda reer Germany ayaa garoonkeeda Allianz Arena ku qaabbilaysa PSG lugta hore ee wareegga siddeedda Champions League, iyadoo ay ka maqan yihiin ciyaartoyda Robert Lewandowski, Corentin Tolisso, Douglas Costa iyo Sergi Gnabry, hase yeeshee waxa usoo laabtay oo Jerome Boateng iyo Alphonso Davies oo ganaax kaga maqnaa ciyaartii RB Leipzig ee Sabtidii.

PSG ayaa dhinaceeda uu ganaax kaga maqan yahay laacibka khadka dhexe ee Leandro Paredes, waxaase xaaladda kasii xumeeyey labada laacib ee Marco Verratti iyo Alessandro Florenzi oo uu ku dhacay korona Fayras.

Tababare Hansi Flick ayaa ciyaartan kusoo bilaabay xiddigii hore ee PSG ee Choupo-Moting oo buuxiyey booska uu ka dhaawacan yahay Robert Lewandowski, waxaan ka dambeeya oo ay iskaashanayaan Thomas Muller, halka uu Coman garabka weerarka kula soo bilowday.

Difaaca ayay kusoo wada bilowdeen Pavard, Alaba, Hernandes iyo Sule, waxaase kaydka kusoo bilowday laacibka orodka badan ee Alphonso Davies.

Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood

BAYERN MUNICH XINeuer, Pavard, Sule, Alaba, Hernandez, Goretzka, Kimmich, Coman, Muller, Sane, Choupo-Moting.

Kaydka: Nubel, Martinez, Boateng, Davies, Sarr, Nianzou, Musiala.

PSG XINavas, Dagba, Kimpembe, Marquinhos, Diallo, Gueye, Danilo, Di Maria, Neymar, Draxler, Mbappe.

Kaydka: Rico, Letellier, Kehrer, Rafinha, Kean, Sarabia, Herrera, Bakker, Pembele, Gharbi, Nagera, Kamara.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*