Shaxaha Rasmiga Ah Ee Czech Republic vs Denmark – Yaa Kusoo Bilowday, Yaase Maqan?

Czech Republic iyo Denmark ayaa ku ballansan magaalada Baku oo ay foodda isku darayaan kulan ka tirsan wareegga siddeedda tartanka qaramada Yurub, waxaanu midkood  u gudbi doonaa semi-finalka oo uu ku sugi doono England iyo Ukraine midkooda soo adkaada.

Chezh Denmark

Czech Republic ayaa wareeggii 16ka soo garaacday dalka awoodda badan ee Netherlands, halka Denmark oo wareegii group-yada ku dhibaatooday markii uu wadne xanuunku kusoo booday Christian Eriksen, isla markaana hal guul oo kaliya oo ay ka heshay kulankii ugu dambeeyey kusoo gudubtay ayaa waxay wareeggii 16ka kaga takhalustay Wales oo ay u awood sheegatay.

Tababaraha xulka qaranka Czech Republic ee Jaroslav Silhavy ayaa waxa uu kusoo bilaabay xiddiga afarta gool dhaliyey ee Schick, waxaana caawinaya Servik iyo Barak.

Denmark ayaa waxa iyagana safkooda hoggaaminaya Dolberg, Braithwaite iyo Damsgaard.

Shaxaha rasmiga ah ee labada waddan:

DENMARK XI: Schmeichel, Christensen, Kjaer, Vestergaard, Stryger Larsen, Hojbjerg, Delaney, Maehle, Braithwaite, Dolberg, Damsgaard.

Kaydka: Andersen, Skov, Skov Olsen, Mathias Zanka Jorgensen, Norgaard, Lossl, Wass, Wind, Poulsen, Cornelius, Ronnow, Jensen.

CZECH REPUBLIC XI: Vaclik, Coufal, Celustka, Kalas, Boril, Holes, Soucek, Masopust, Barak, Sevcik, Schick.

Kaydka: Kaderabek, Brabec, Darida, Krmencik, Jankto, Mandous, Zima, Vydra, Kral, Koubek, Pekhart, Pesek.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*