Shaxaha Rasmiga Ah Ee Barcelona vs Bayern Munich – Nagelsmann Oo Hubkiisii Cuslaa Soo Qadday Iyo Koeman Oo Xeelad Ciyaaraya

Ciyaartoyda Barcelona  iyo Bayern Munich ayaa ku sugan gudaha garoonka Camp Nou halkaas oo ay foodda isku darayaan kulankooda koowaad ee tartanka Champions League ee xilli ciyaareedka 2021-22.

Barcelona vs Bayern Munich

Barcelona oo doonaysa in garoonkeeda ay guul ku hesho ayuu tababare Ronald Koeman kusoo bilaabay shaxdii ugu adkayd ee uu heli karayay taas oo aanu ku jirin Philippe Coutinho ookaydka ku jira, hase yeeshee uu hormood u yahay saxeexii cusbaa ee Luuk de Jong oo kulankiisii koowaad ee uu xidho garanka Barcelona nasiib u yeeshay in lagu soo bilaabo.

Memphis Depay iyo Luuk de Jong ayaa afka hore ee weerarka ku midaysan, waxaana  khadka  dhexe ka taageeraya Frenkie de Jong, Sergio Busquets, Pedri iyo Jordi Alba oo dhinaca bidix ee khadka dhexe laga ciyaarsiiyey.

Difaaca ayay wada taagan yihiin Araujo, Pique, Garcia iyo Sergio Roberto.

Bayern Munich ayaa iyaduna lasoo gelaysa hubkeeda ugu halista badan oo uu ugu horreeyo Robert Lewandowski oo ay caawinayaan Leroy Sane, Thomas Muller iyo Musiala.

Shaxda rasmiga ah ee Barcelona vs Bayern Munich

BARCELONA XI: Ter Stegen; Araujo, Piqué, García; Roberto, De Jong, Busquets, Pedri, Alba; L. De Jong, Memphis (3-5-2)

Kaydka: Neto (GK), Peña (GK), Umtiti, Lenglet, Mingueza, Dest, Balde, Nico, Puig, Gavi, Coutinho, Demir

BAYERN MUNICH XI: Neuer; Pavard, Süle, Upamecano, Davies; Kimmich, Goretzka; Musiala, Müller, Sané; Lewandowski (4-2-3-1)

Kaydka: Ulreich (GK), Richards, Nianzou, Hernández, Sarr, Stanisic, Roca, Cuisance, Sabitzer, Gnabry, Coman, Choupo-Moting

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*