Shawberto Carlos!!! Wacdarihii Uu Luke Shaw Ka Dhigay Kulankii Ukraine Oo Sababtay In Uu Soo Hadlo Halyeyga Brazil Ee Roberto Carlos

Luke Shaw ayaa wacdaro ka dhigay ciyaartii xulka qarankiisa England ku karbaashay Ukraine, waxaanay taasi keentay in uu soo hadlo halyeyga Brazil ee dadka qaarkood magaciisa ugu yeedhaan ee Roberto Carlos.

Xilli ciyaareedkii hore ayaa Luke Shaw loogu yeedhay Shawberto Carlos markii uu bandhigga wanaagsan ka sameeyey Manchester United, isla markaana is illowsiiyey eedaymihii Jose Mourinho oo uu muujiyey in uu tababaraha reer Portugal ka qaldanaa.

Shaw

Difaacan bidix ayaa ahaa xiddigii Ingiriiska shitay ciyaartii Ukraine, waxaanu sameeyey laba caawimood, halka uu ciyaarta oo dhanna ahaa tiir-dhexaad.

Luke Shaw ayaa markii ay ciyaartu soo dhamaatay waxa uu ku dabbaal-degay bartiisa bulshada oo uu ku muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay, waxaanay taasi keentay in uu si degdeg ah usoo falceliyo Roberto Carlos oo ka mid ah ciyaaryahannadii ugu wanaagsanaa taariikhda kubadda ee booskaas ka dheela.

Qoraal kooban oo uu Shaw soo dhigay bartiisa ayuu ku yidhi: “Alla maxay habeen ahayd. Indhaha oo dhami waxay eegayaan semi-finalka.”

Roberto Carlos ayaa markiiba kasoo falceliyey, waxaanu ugu soo jawaabay sawirro sacab-tumis ah, taas oo uu ugu qirayay bandhigga cajiibka ah ee uu sameeyey.

Tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate ayaa ka mid noqday dadkii amaanta u jeediyey Shaw, waxaana isagoo warbaahinta la hadlayay uu yidhi: “Bandhigga Shaw wuxuu ahaa cajiib.”

Southgate ayaa sheegay in toddobaadkan ay in badan ka wada hadleen ciyaaryahannadiisa in ay kubbadaha ka keenaan dhinacyada si weeraryahannadu madax ugu dhalin karaan amaba ay lugta u gelin karaan, taasna uu sideedii uga soo baxay Luke Shaw.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*