SHARAFTIIN DHACDAY: Harry Kane Oo Maanta Xidhanaya Calaamadda QOWMU-LUUDKA & Waalida Ay Ku Hadleen FA-gu

Weeraryahanka xulka qaranka England ee Harry Kane ayaa maanta xidhan doona calaamadda QOWMU-LUUDKA marka ay la ciyaarayaan dhiggooda Germany, sida uu shaaciyey xidhiidhka kubadda cagta England.

Qoraal uu xidhiidhku ku daabacay bartiisa Twitter-ka ayaa waxa uu ku sheegay in kabtankooda Harry Kane uu calaamadda kabtannimada ku dhejisan doono Jeegaanta astaanta u ah QOWMU-LUUDKA, taas oo ay ku sheegeen inay ku xusayaan waxay ugu yeedheen ‘BISHA SHARAFTA’, ayna ugu doodayaan xuquuqda dadka isku jinsiga ah ee isguursada.

Kane 2

Harry Kane oo kali ah maaha, waxa kale oo sidan oo kale samaynaya kabtanka xulka qaranka Germany ee Manuel Neuer oo uu dalkiisu hore iskugu dayey inuu garoonka Allianz Arena ee magaalada Munich ka shido midabbada astaanta u ah Qowmu-luudka.

Ciyaartii saaxiibtinimo ee Jarmalku la ciyaaray Latvia June 7, ayuu Manuel Neuer gacanta ku xidhnaa astaanta dadkan dhaqanka xun. Waxa uu sii waday inuu calaamaddaas xidho kulamadii wareegga Group-yada ee Euro ee ay la ciyaareen Portugal, France iyo Hungary.

Qoraalka uu Isniintii soo saaray xidhiidhka FA, ayaa waxa lagu yidhi: “Harry Kane waxa uu kula biiri doonaa Manuel Neuer xidhashada kabtannimada jeegaanta kulanka berri ee Wembley Stadium, si loo calaamadiyo dhamaadka BISHA SHARAFTA, iyadoo Three Lions (xulka England) ay garab taagan yihiin bulshooyinka QOWMU-LUUDKA ee adduunka.”

Sidan oo kale waxa hore u sameeyey oo xidhay calaamaddan kabtanka xulka qaranka Netherlands ee Georginio Wijnaldum ciyaartii xulka dalkiisu kaga hadhay tartanka Euro ee ay Czech Republic 2-0 ku garaacday.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

12 Fekradood

  1. Dadka nuucaas ah aya had &jeer wax kaqortiin anaguna taageernaa ilaahoow nasoo hanuuni xaqiiqdii waa wada lunsanahy.

  2. Maanta yaa igu dambeysa aqrinta wararka shabakada laacibnet.net adeer aan cafino meesha shar iyo buun buunin ayaad ku heysiin.

  3. Wargeysa xumaanti nola qarinaayey hadu banaanka keenay wuu ku mahadsanyhye lkn England iyo Germany daawasho igama helayaan Aniga ahaanteyda ee yahuud waa isla yahuudi hore oo kle baqti baqti dhalay

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*