SHANTII Laacib Ee Guul-darrada Usoo Jiiday Kooxdooda Tottenham Iyo Qiimaynta Ciyaartoyda Kulankii Finalka EFL Cup Ee Man City & Tottenham

Manchester City ayaa Tottenham kaga guuleysatay koobka Carabao Cup oo finalkiisa ay galabta ku ciyaareen garoonka qaranka ee Wembley oo ay daawashadiisa kasoo xaadireen illaa 8,000 oo taageereyaal labada kooxood ah.

Gool uu madax ku dhaliyey Aymeric Laporte dhamaadka ciyaarta oo siddeed daqiiqadood ka hadhsan tahay, ayaa Manchester City ugu filnaanay in sannadkii afraad oo xidhiidh ah ay ku guuleysato Carabao Cup, iyadoo taariikhdeedana ay u ahayd markii siddeedaad ee ay hantaan koobkan oo hore loo dhan jiray EFL Cup.

Manchester City ayaa u qalmaysay in ay guuleysato marka la eego sida ay ciyaarta ugu gacan sarraysay iyo fursadaha ay abuurtayba, laakiin Tottenham oo wali caydhintii Jose Mourinho ee lix maalmood ka hor ay saamaynteedu kasii muuqato ayaa is-adkaysay oo shabaqeeda ilaashatay illaa laga soo gaadhayay daqiiqaddii 82aad oo laad xor ah oo uu soo tuuray Kevin de Bruyne uu madax ku qabtay difaaca reer France ee Aymeric Laporte.

Xiddigihii ugu cadcaddaa garoonka

Manchester City ayay ciyartoyeedu ahaayeen kuwa garoonka ugu cad-cad, waxaase si gaar ah u muuqday Phil Foden iyo Riyad Mahrez oo afka hore ka wada ciyaaarayay, islamarkaana dhibaato badan ku hayay difaaca Spurs.

Labadan ciyaartoy ayaa helay fursado waaweyn oo ay goolal ku dhaliyaan laakiin nasiibkooda ma aanay taabanin shabaqa.

Waxa kale oo fiicnaa difaaca Tottenham ee Roby Alderweireld oo sabab u ahaa in ciyaartu goolal la’aan ahaato illaa laga soo gaadhayay daqiiqadda 82aad.

Saddexdan laacib ayaa helay qiimaynta ugu sarraysay kulanka oo ahayd darajada 8.

Shantii laacib ee la degay Tottenham

Tottenham ayay hursdeen shan ka mid ah ciyartoydeedu, waxaana ugu horreeyey Heung-Min Son oo kulanka oo dhan maqane jooga ka ahaa. Waxa kale oo aad u liitay difaaca bidix ee Sergio Raguilon, Harry Winks, Giovani Lo Celso iyo Harry Kane.

Shantan laacib ayaa bandhig musiibo ah muujiyey, iyagoo helay qiimayn darajooyinkoodu kala yihiin 4&5.

Qiimayntii guud ee ciyaartoyda labada kooxood

MANCHESTER CITY: Zach Steffen – 7, Kyle Walker – 7, Ruben Dias – 7, Aymeric Laporte – 7, Joao Cancelo – 8, Fernandinho – 7, Ilkay Gundogan – 7, Kevin De Bruyne – 7, Riyad Mahrez – 8, Phil Foden – 8, Raheem Sterling – 7

Beddelka: Rodri – 6, Bernardo Silva – 6

Tottenham: Hugo Lloris – 7, Serge Aurier – 6, Toby Alderweireld – 8, Eric Dier – 7, Sergio Reguilon – 4, Pierre-Emile Hojbjerg – 6, Harry Winks – 5, Giovani Lo Celso – 5, Lucas Moura – 6, Heung-Min Son – 4, Harry Kane – 5

Beddelka: Moussa Sissoko – 5, Gareth Bale – 5, Dele Alli, Steven Bergwijn – N/A

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*