Sawirkii Ugu Horeeyay Oo Laga Qaaday Christian Eriksen Tan Markii Uu Cusbitaalka Ka Soo Baxay Oo Wadnaha Laga Qalay

Christian Eriksen ayaa sawir laga qaaday markii ugu horeysay tan iyo markii uu ka soo baxay cusbitaalka ka dib markii uu wadno xanuun ku soo booday isagoo garoonka ku jira.

Xiddiga khadka dhexe ee Denmark ayaa dhulka ku dhacay intii ay socotay kulankii ugu horeysay ee xulkiisa Denmar uu la ciyaarayay xulka Finland tartanka Euro 2020.

0 MAIN eriksen Bjorn Bindzusjpeg

Laakiin 29 jirkaan ayaa xaaladiisa ay ka soo reyneysaa ka dib qaliin lagu sameeyay, waxaana lagula sawiray taageero da’ yar isagoo jooga xeebata Tidvilde Strand ee dalka Denmark.

Eriksen ayaa u baahday daweyn degdeg ah isagoo garoonka ku jira bishii la soo dhaafay, iyadoo asxaabtiisa ay isku warijiyeen si ay kaamirada uga qariyaan halka shaqaalaha caafimaadka ay ku howlanaayeen inay ka shaqeysiiyaan wadnihiisa.

Eriksen ayaa ugu danbeyn miirkiisa dib u helay iyadoo loola cararay cusbitaalka Rigshospitalet ee magaalada Copenhagen.

Ka dib waxaa lagu celiyay gurigiisa 18kii Juun ka dib markii qaliin wadnaha lagu sameeyay.

Bjorn Bindzus waa taageeraha da’da yar ee arkay geesigiisa islamarkaana sawirka la galay.

Ka dib markii uu la kulmay Eriksen, wiilkaan ayaa u sheegay BT Sport: “Waan ka walwalsanaa inaan weydiisto sawir. Laakiin waan ku faanayaa inaan weydiistay, aad ayaana u faraxsanahay maanta.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*