Rikoodhadii Ceebta Ahaa, Saddexdii Ciyaartoy Ee Sababta U Ahaa Guul-darrada Man United, Xiddigii Garoonka Iyo Qiimaynta Kulankii Young Boys & Man United

Manchester United ayaa guul-darro ku bilaabatay xilli ciyaareedka cusub ee tartanka Champions League, waxaana 2-1 kaga adkaatay Young Boys oo ay marti u ahayd, xilli uu Ronaldo kulankiisii labaad ee xidhiidh ah ee uu u safto Manchester United uu gool dhaliyey.

Man UNITED D

United ayaa la hormartay gool uu u dhaliyey Ronaldo daqiiqaddii 13aad ee bilowga ciyaarta, laakiin waxay Young Boys goolka barbarraha keentay daqiiqaddii 66aad waxaana  u dhaliyey Nicolas Ngamaleu halka goolka guushana uu ilbidhiqsiyadii ugu dambeeyey isku dhiibay Jesse Lingard, kaas oo uu shabaqa ku leexiyey Theoson Jordan Siebatcheu.

Rikoodhadii

  • Goolka Jordan Pefok uu u dhaliyey Young Boys oo yimid daqiiqaddii 94aad iyo 94 seken ayaa noqday goolkii guusha ee xilligii ugu dambeeyey la dhaliyo, waxaana kaliya ka waqti dambeeyey goolkii uu Lucas Moura u dhaliyey Tottenham bishii May ee 2019, kaas oo yimid daqiiqaddii 95aad iyo 1 ilbidhiqsi kulan ay la ciyaareen Ajax.
  • Manchester United waxay guul-darraysatay kulankeedii furitaanka Champions League markii labaad oo taariikhdeeda, waxaanay sidan oo kale ku dhacday xilli ciyaareedkii 2015-16 oo PSV ay kaga badisay 2-1, iyadoo uu United tababare u ahaa Louis van Gaal.
  • Cristiano Ronaldo ayaa kooxdiisii 36aad ee Champions League ah ee uu la ciyaaro gool ka dhaliyey, waxaana uu barbarreeyey rikoodhkii Lionel Messi oo tiro naadiyo intan le’eg goolal ka hdlaiyey, haystayna rikoodhkan.
  • Aaron Wan-Bissaka waxa uu noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee Manchester United ka  tirsan ee kaadh cas oo toos  ah lagaga  saaro kulan ka tirsan Champions League tan iyo sannadkii 2013, markaas oo Nani la siiyey kaadh toos ah kulan Real Madrid ay la ciyaareen.
  • Manchester United laba jeer  oo kaliya ayay toogatay goolka  Young Boys, waana rikoodhkoodii ugu xumaa tan iyo xilli ciyaareedkii 2003-04. Laba jeer ee ay goolka toogteen ba waxa kubadda laaday Cristiano Ronaldo.

Xiddigii garoonka

Weeraryahanka Meschak Elia ayaa noqday xiddigii garoonka iyadoo uu soo bandhigay ciyaar heersarraysa, isla markaana sameeyey fursadda  goolkii hore oo uu khadka dhexe kusoo garaacay Fred. Caawinta heerka sare ah ee uu sameeyey ayaa sababtay in goolka barbarraha ay keento Young Boys.

Saddexdii ciyaartoy ee sababay guul-darrada Manchester  United

Saddex laacib oo kala dembi badnaa ayaa guul-darrada Manchester United loo nisbeeyey, waxaana ugu horreeya oo ah kan dambiilaha koowaad ah difaaca midig ee Aaron Wan-Bissaka oo kaadh cas oo toos ah qaatay markii uu ku istaagay ciyaartoy ka tirsan Young Boys.

Waxa uu Wan-Bissaka noqday ciyaarrtoyga ugu liitay guud ahaan garoonka, waxaana ku xigay Jadon Sancho oo la beddelay markii uu kaadhka cas qaatay si loosoo geliyo difaac, halka uu Cristiano Ronaldo oo go’doon ku ahaa afka  hore uu noqday ciyaartoyga saddexaad ee ugu liitay garoonka, waxaanay isku mid ahaayeen Paul Pogba.

Qiimayntii guud ee ciyaartoyda labada kooxood

Young Boys: Von Ballmoos (6), Heftl (6), Camara (6), Lauper (6), Garcia (7), Sierro (7), Martins (7), Fassnacht (7), Aebischer (7), Ngamaleu (7), Elia (8).

Beddelka: Siebatcheu (6), Rieder (n/a), Sulejmani (n/a), Zesiger (n/a), Kanga (n/a).

Man Utd: De Gea (7), Shaw (7), Lindelof (7), Maguire (7), Wan-Bissaka (4), Fred (6), Pogba (6), Van de Beek (7), Fernandes (7), Sancho (5), Ronaldo (6).

Beddelka: Dalot (7), Varane (7), Matic (6), Lingard (5), Martial (n/a).

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*