Saadaasha Sky Sports Ee Kulamada Horyaalka Premier League Ee Usbuucan – Yaa Guuleysanaya Arsenal vs Liverpool & Leicester vs Man City?

Telefishanka Sky Sports ayaa soo saaray saadaashiisa kulamada horyaalka Premier League ee toddobaadkan oo ay ballansan yihiin kooxo waaweyn.

Leciester City ayaa garoonkeeda King Power Stadium ku qaabbili doonta Manchester City oo la loodin la’ yahay laakiin ay bilowgii xilli ciyaareedka 5-2 ku garaacday, sidoo kalena Arsenal ayuu sugayaa imtixaan adag waxaanay soo dhoweyn doontaa Liverpool oo iyaduba daalaa-dhacaysa, halka Tottenham ay la ballansan tahay Newcastle United iyo ciyaarta kale ee saamaynteeda leh ee Chelsea ay ku martigelinayso West Bromwich Albion.

Sky Sports oo saadaasha xilli ciyaareedkan uu u sameeyo khabiirkooda Jones Knows ayaa waxa uu ka farxiyey Manchester City oo uu u sheegay in ay sii wadan doonto guulaha dhowaanta ka kala go’ay, waxaanu u sheegay in laba gool ay ka dhalin doonaan Leicester halka iyagana laga dhalinayo hal gool.

Knows waxa uu sheegay in ciyaartoyda Man City ay niyad wanaagsan ka heli doonaan guul ay ka gaadhaan Leicester City ka hor ciyaarta Salaasada ay ku kulmayaan Borussia Dortmund oo lugta hore ee wareegga siddeedda Champions League ay wada ciyaarayaan.

Khabiirku wuxuu sheegay in Pep Guardiola uu isku dayi doono in uu nasiyo ciyaartoyda kasoo laabtay kulamada caalamiga ah oo qaarkood ay kaydka ku jiri doonaan ciyaarta Leicester, waxaana laacibiinta kasoo noqday xulalkooda ee min saddexda ciyaarood soo dheelay ka  mid ah: Ilkay Gundogan, Ruben Dias, Raheem Sterling, Phil Foden, Joao Cancelo, Bernardo Silva iyo Oleksandr Zinchenko, sababtuna waxay tahay in ciyaarta Dortmund uu u baahan yahay in ay iyagoo firfircoon yimaaddaan.

Liverpool ayuu khabiir Jones Knows u sheegay in ay isku diyaariyaan niyad-jab iyo guul-darro kale, isla markaana hammigoodii ahaa inay Champions League kasoo qayb-galaan xilli ciyaareedka dambe uu burburi doono marka ay Arsenal ugu tagaan Emirates Stadium habeen dambe.

Knows waxa uu saadaaliyey in Arsenal ay ku badin doonto 2-1, sidaana ay Reds hoos ugaga sii dhici doonto kaalinta toddobaad ee ay ku jirto iyadoo ka hoos mari doonta Everton oo siddeedaad fadhida.

Chelsea ayey saadaashani ka farxisay oo ay u sheegtay in ay 2-0 ku garaaci doonaan West Brom, halka Jose Mourinho ay kooxdiisa Tottenham barbarro 1-1 ah la geli doonto Newcastle United.

Manchester United ayaa inkasta oo ay ciyaartooyo ka dhaawacan yihiin waxay awood u yeelan doontaa in ay saddexda dhibcood garoonka Anfield kaga qaadato kooxda Brighton, sida saadaashani sheegtay.

Halkan kaga bogo saadaasha Sky Sports ee kulamada horyaalka Premier League ee toddobaadkan:

Chelsea 2-0 West Brom

Leeds 2-0 Sheffield United

Leicester 2-1 Manchester City

Arsenal 2-1 Liverpool

Southampton 1-1 Burnley

Newcastle 1-1 Tottenham

Aston Villa 0-1 Fulham

Manchester United 2-1 Brighton

Everton 2-0 Crystal Palace

Wolves 1-1 West Ham

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*