Saadaasha Khabiirka Mark Lawrenson Ee Kulamada Premier League & FA Cup Ee Usbuucan – Yaa Badinaya Chelsea vs Man City, Everton vs Spurs & Leeds vs Liverpool?

Horyaalka Premier League oo shan kulan ah iyo laba ciyaarood oo semi-finalka FA Cup ah ayaa usbuucan la ciyaarayaa, kuwaas oo tartan walbaa gaarkiisa xiise u leeyahay.

Semi-finalka FA Cup ayay foodda isku darayaan Manchester City iyo Chelsea, waxaana Blues ay halkaas ka arkaysaa koobka kali ah ee ay ku guuleysan karayso xilli ciyaareedkan oo usoo bidhaamaya, laakiin waxa ka horreysa City oo ujeedkeedu yahay in ay ku wada guuleysato saddexda koob ee Ingiriiska laga ciyaaro iyo Champions League.

Labadoodan midkooda soo adkaada, waxa uu finalka la dheeli doonaa Leicester City iyo Southampton oo iyaguna wada ciyaaraya midkooda soo badiya.

Khabiirka BBC Sports ee Mark Lawrenson ayaa saadaaliyey dhamaan kulamada usbuucan ee FA Cup iyo Premier League, waxaana uu finalka FA Cup uu bushaareeyey Manchester City oo uu tilmaamay in Sabtida ay garaaci doonta Chelsea, isla markaana ay ballami doonaan Leicester City oo iyaduna soo dhaafi doonta Southampton.

Dhinaca Premier League, waxa uu khabiirku guulo u saadaaliyey Liverpool, Manchester United iyo Arsenal, halka West Ham ay lumin doonto kaalinteeda afraad  oo ay ka qaadi doonto Liverpool.

Saadaasha Mark Lawrenson ee Semi-finalka FA Cup:

Chelsea 0-2 Manchester City

Leicester City 2-1 Southampton

Saadaasha kulamada Premier League ee Mark Lawrenson:

Jimce

Everton 1-2 Tottenham

Sabti

Newcastle 2-0 West Ham

Wolves 2-0 Sheffield United

Axad

Arsenal 2-0 Fulham

Manchester United 2-0 Burnley

Isniin

Leeds United 1-2 Liverpool.

Akhriste: Adiguna saadaali kulamadan oo natiijada aad rajaynayso in ay ku dhamaanayaan halka hoose ee farriinta akhristaha noogu soo gudbi saadaashaada.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

11 Fekradood

  1. Chelsea 0-4 mancity
    Leicester City 3-1 Southampton
    Everton 3-2 Tottenham
    Arsenal 1-2 Fulham
    Manchester United 2-4 Burnley

    Leeds United 2-2 Liverpool

  2. Chelsea 2:1 Machester City
    Everton 1:1 Totenham
    Man united 3:2 Burnley
    Arsenal 1:0 Fulham
    Newcastel 2 :1 westham

  3. Chelsea 2:4 Machester City
    Everton 1:1 Totenham
    Man united 3:2 Burnley
    Arsenal4:0 Fulham

    Newcastel 1:1 westham

  4. Chelsea 0:2 Machester City
    Everton 1: Totenham
    Man united 1:1 Burnley
    Arsenal 1:0 Fulham

    Newcastel 1:2 westham

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*