SAADAAL: Kooxda Ku Guuleysanaysa Horyaalka Premier League, Chelsea Oo Labaad Gelaysa, Booska Man United Iyo Saddexda Heerka 2aad U Degi Doona

Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa bilaabmi doona August 14 oo ay ka hadhsan tahay laba usbuuc iyo maalmo, taas oo ka dhigan, in horyaalkii xilli ciyaareedku uu sanka innagu soo hayo oo maalmo kaddib daawashadiisa la isku diyaarin doono.

Kaddib markii ay soo dhamaadeen Copa America iyo Euro 2020, waxay waqtigan daawadeyaashu sugayaan kaliya in ay arkaan kooxahooda oo ciyaaraya, kuwaas oo ay ka rajaynayaan in ay bandhig fiican la yimaaddaan, isla markaana guulo u halgamaan.

suuq premier league

Horyaalka Premier League oo ah kan ugu xamaasadda badan, ayaa waxa ku hirdami doona kooxaha waaweyn ee Manchester City oo koobka difaacanaysa, Liverpool oo sannadkii kasii horreeyey ku guuleysatay Chelsea oo ahayd horyaalka sannadkii 2017kii, Manchester United oo ay ugu dambaysay 2013kii iyo kooxo kale, balse ay afartani ugu cadcad yihiin.

Liverpool oo ay dib ugu soo laabteen ciyaaryahannadii dhaawaca kaga maqnaaday xilli ciyaareedkii hore ee sababta u noqday in iyagoo hoggaanka haya ay mar kaliya hoos usoo dhacaan, sida Virgil van Dijk, Joe Gomez iyo kuwo kale ayaa dhamaantood diyaar ah oo usoo laabtay intii ciyaaruhu fasaxa ku jireen, waxaanay kusoo darsatay Ibrahima Konate.

Sidaas oo ay tahay haddana Liverpool kuma guuleysan doonto horyaalka, xataa kaalinta labaadna ma iman doonto, sababtuna waxay tahay in Manchester City oo awooddeeda aanay waxba ka nusqaamin ay mar kale ku guuleysan doonto horyaalka sida ay muujisay saadaal la sameeyey.

Chelsea ayaa cidhiidhsan doonta  kaalinta labaad, halka Liverpool ay saddexaad noqon doonto iyo Manchester United oo afraad soo geli doonta.

Saddexda kooxood ee Norwich City, Watford iyo Southmpton ayaa  kaalmaha ugu hoosaysa ku dhamaysan doona.

Halkan kaga bogo qiimaynta xilli-ciyaareedka 2021/22:

=18. Norwich City – 1,500/1

=18. Watford – 1,500/1

=18. Southampton – 1,500/1

=15. Burnley – 1,000/1

=15. Crystal Palace – 1,000/1

=15. Brentford – 1,000/1

14. Newcastle United – 750/1

13. Wolverhampton Wanderers – 325/1

12. Aston Villa – 200/1

11. Leeds United – 150/1

=8. Everton – 100/1

=8. West Ham United – 100/1

=8. Brighton & Hove Albion – 100/1

7. Arsenal – 40/1

=5. Tottenham Hotspur – 33/1

=5. Leicester City – 33/1

4. Manchester United – 17/2

3. Liverpool – 5/1

2. Chelsea – 9/2

1. Manchester City – 4/6

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

6 Fekradood

  1. sanadkan 2021 wax yaabo lama filan ayaa dhacaya waxan ila tahay Ina Arsenal qaadi hadii ciyaartoyada doonayso keenta ilay Europe league iyo champion mid ma ciyaarayso *Arsenal*.

  2. 1-Man united ayaa ku guukesan doonta 96dhibcoo
    2-man city92dhibcod
    3-chelsea88dhibcod
    4-Liverpool79dhibcod
    5-Tottaham75dhibcod
    6-Arsenal73dhibcod
    7-lester city70dhibco
    8-Astonvilla65dhibcod
    9-leeds60dhibcod
    10-wolves58dhibcod

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*