SAADAAL Cusub: Sneidjer Oo Doortay Xulka Ku Guuleysan Doona Euro 2020 & Aragtidiisii Ahayd France Oo Uu Bedelay

Halyeeyga ree Netherlands ee Wesley Sneijder ayaa doortay xul cusub oo uu u saadaalinayo ku guuleysiga dalka ku guuleysan doona koobka Euro 2020 ee haatan soconaya.

Sneijder ayaa hore u qabay  aragtida ay qabaan badi dadka falanqeeya kubadda cagta ee ah in xulka France uu ku guuleysan doono tartanka balse haatan doortay dalka Talyaaniga oo kamida mucjisooyinka lama filaanka ah ee ilaa hada tartanka lagu arkay.

Sneijder sounds transfer alarm, urging Ajax star to abort any Arsenal plans

Talyaaniga ayaa saddex guulood kaga soo baxay wareegii Group-yada iyaga oo xalayna wareega 16-ka guul 2-1 ah ka gaadhay Austria isla markaana sii fadhiya wareega siddeed dhammaadka xilli ay sugayaan midka soo roonaada Belgium iyo Portugal.

Wesley ayaa yidhi isaga oo aragtidaas dhiibanaya “Kaddib waxkasta oo aan arkay, waxaan haystaa dal cusub oo ah midka ugu cad-cad, waxaan dooranayaa Italy, waxaan hore u doortay France laakiin iyagu wali imay qancin, sidaas darteed bedelasho yar ayaan samaynayaa”

Tababare Roberto Mancini ayaa dunida kaga yaabsaday inuu soo dhisay xul Talyaani ah oo kubad weerar iyo cadaadis ku salaysan ciyaaraya walow dhaqanka qarankaasi ahaa daafacasho adag.

Xalay ayay Azzuri jabiyeen rekoodhkooda guuldarro la’aanta xidhiidhka ah ee abid iyaga oo 31 kulan oo guuldarro la’aan ah si xidhiidh ah u diiwaan gashaday kaddib guushii ay Austria kaga heleen Wembley Stadium.

 

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

4 Fekradood

  1. maad kahadashaan cayaartoyda talyaaniga xitaa mushaarkooda iyo qiimaha suuqa ay kajoogaan uma dhowa kuwa ingiriiska hadana waxaas ayey sameeyeen soolayaab maahan adeer kubadu lacag maahan ee waa xirfad

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*