Ryan Giggs Oo Soo Xushay Shaxda Kooxdiisa LIX Geesoodka Ah & Xiddigaha Uu Soo Doortay

Halyeygii Manchester United ee Ryan Giggs ayaa soo xushay shaxda kooxdiisii ugu wanaagsanayd ee uu ka garab ciyaaray oo ka kooban lix laacib oo dhamaantood United usoo wada dheelay.

Ryan Giggs oo 24 sannadood u ciyaaray Manchester United ayaa la qaaday 13 koob oo horyaalka Premier League, isagoo ah laacibka taariikhda kooxdaas ugu caaiwmaadda badan, isla markaana sameeyey 162 gool oo ay asxaabtiisa kale dhaliyeen.

Liiska kooxda Ryan Giggs ayaa waxa laga waayey David Beckham oo ay sannado badan iska soo garab ciyaareen, isla markaana ay ku wada guuleysteen sagaal ka mid ah horyaallada ay Red Devils qaadday.

Waxa kale oo aan kooxda Giggs soo gelin xiddigihii ay ka midka ahaayeen Gary Neville oo ay waqti badan iska garab ciyaareen iyo weeraryahankii reer France ee Eric Cantona oo lagu tilmaamo kuwa ugu wanaagsanaa ee United soo maray soddonkii sannadood ee ugu dambeeyey.

Cristiano Ronaldo iyo Wayne Rooney ayaa kusoo baxay kooxda Giggs ee ka kooban lixda ciyaartoy, waxaana soo raacay xiddigihii hormoodka u ahaa guushii Manchester United ee sannadkii 1999kii ee saddexda koob ay gacanta ku wada dhigeen, kuwaas oo uu kala soo baxay Jaap Stam iyo Peter Schmeichel.

Waxa kale oo soo raacay Roy Keane iyo Paul Scholes oo dhamaystiray kooxdan.

Giggs ayaan isagu isku darin liiska ciyaartoydan.

Isagoo ka hadlayay xulashadiisa ayuu yidhi: ” iyo Peter Schmeichel, Jaap Stam iyo Keaney, kaddibna inta soo hadhay waxay noqonayaan kuwa afka hore. Scholesy, Ronaldo iyo Rooney.”

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*