Roy Keane Oo Shaaciyay Kooxda Premier League Ee Uu Harry Kane Ku Biirayo Xagaagan

Halyeeyga Manchester United Roy Keane ayaa aaminsan in weeraryahanka Tottenham Harry Kane uu doonayo inuu u wareego garoonka Old Trafford xagaaga marka uu furmo suuqa kala iibsiga.

Kabtanka England ayaa waxaa aamusiyay Victor Lindelof iyo Harry Maguire iyadoo Man United ay guul soo laabasho 3-1 ah ka gaartay Spurs kulankii xalay ka dhacay London.

Kane ayaa diiday inuu mustaqbalkiisa u hibeeyo Tottenham intii uu ku maqnaa xulka England iyadoo wararka soo baxaya ay sheegayaan inuu dalban doono in la iibiyo haddii ay kooxda u soo bixi weyso Champions League xilli ciyaareedka soo socda.

Guuldarada soo gaartay Tottenham ayaa la micno ah inay lix dhibcood ka danbeeyaan West Ham oo haatan ku jirta booska ugu danbeeya ee loogu soo baxayo Champions League ee kaalinta afaraad.

United ayaa dooneysa saxiixa Kane, waxayna diyaar u yihiin inay isku dayaan soo xerogelintiisa xagaagan inkastoo ay ogsoon yihiin sida ay u dhib badan tahay inay heshiis la gaaraan Spurs.

Keane ayaa aaminsan in Kane uu isna doonayo inuu u wareego Old Trafford madaama uu doonayo inuu ka garab dheelo xiddigaha sida Paul Pogba iyo Bruno Fernandes.

“Kane waxa uu eegi doonaa kooxdaan United ee maanta, kuwaasoo horumar sameeyay 12kii bilood ee ugu danbeeyay, waa hubaal inuu Kane ku fekerayo ‘waxaan noqon kraa weeraryahanka ugu sareeya ee Manchester United’.” ayuu yiri Keane.

“Xiddigaha u adeegi kara, Kane waa qasab inuu doonayo United.

“Waxaan aaminsanahay inuu jecel yahay United, dareenkaas ayaa igu jira, waana dareen iga dhex guuxaya.”

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*