Rivaldo Oo Saadaaliyey Kulanka Real Madrid vs Chelsea – Kooxdee Finalka Uu Ugu Bushaareeyey?

Halyeyga reer Brazil ee Rivaldo ayaa saadaaliyey kulanka semi-finalka Champions League ee Real Madrid iyo Chelsea, kuwaas oo midkooda soo gudba uu finalka la ciyaari doono Manchester City ama PSG.

Rivaldo ayaa rumaysan in Real Madrid ay durduro ku tegi doono finalka, ayna garaaci doonto Chelsea maadaama ay haysato koox khubaro ku ah tartankan, isla markaana muddo dheer iska soo garab ciyaaraysay oo si fiican iskula qabsatay.

Madrid ayaa markii 30aad usoo gudubtay semi-finalka Champions League kaddib markii ay 3-1 kaga soo gudubtay Liverpool oo ay wareeggii siddeedda kusoo reebeen, halka Chelsea ay kasoo tallaabsatay FC Porto oo ay kaga soo badisay 2-1.

Rivaldo oo saadaal ka bixiyey kulankan ayaa waxa uu sheegay in Real Madrid ay ku dhibaatoon doonto ciyaartan laakiin haddana ay kasoo badin doonto Chelsea, ayna tegi doonto finalka iyadoo raadinaysa koobkeedii 14aad.

“Waxa ii muuqata in Real Madrid ay tahay kooxda tegaysa Finalka, sababtoo ah waxay haystaan koox adag oo aad khabiirro u ah, mar walbana sida ugu fiican u ciyaara kulamada noocan ee xaasaasiga ah, waxayna ahaayeen khabiirrada tobankii sannadood ee u dambeeyey.” Ayuu yidhi Rivaldo.

Halyeygan hore ee Barcelona iyo xulka qaranka Brazil, waxa kale oo uu amaanay Chelsea, isagoo yidhi: “Chelsea waxay leedahay xooggeeda, xisaabtana lagama saari karayo, laakiin waxay ila tahay in Real Madrid ay leedahay khibrad ka badan oo ay ku tegayso finalka Champions League, wayna garanayaan sida loo guuleysto.”

Waxa uu Rivaldo intaa ku daray in Real Madrid ay waqtigan ku jirto qaab wanaagsan oo ay ku tartamayso Champions League iyo LaLiga, ayna ka jawaabeen dhalleecayntii bilowga xilli ciyaareedka loo jeedinayay Zidane Zidane.

Rivaldo waxa kale oo uu soo qaaday kulanka Manchester City iyo PSG, waxaanu tilmaamay in ay tahay ciyaar adag oo weerarka halista iyo xoogganaanta ba ku horreyso PSG, laakiin Pep Guardiola ay ka go’an tahay in uu tago finalka, mana bixin saadaal rasmi ah oo la xidhiidha labadan kooxood.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*