Rikoodhkii Layaabka Lahaa, Xaqiiqooyinkii Ciyaarta, Xiddigii Garoonka Iyo Qiimaynta Kulankii Spain & Croatia

Spain ayaa kulankii labaad ee taariikhda Euro ugu goolasha badnaa guul kaga gaadhay Croatia oo si adag u dagaallantay daqiiqadihii ugu dambeeyey qaybta labaad ee ciyaarta, isla markaana keentay barbarraha ka hor intii aan lagu darin 30 daqiiqadood oo dheeraad ah.

skysports alvaro morata spain 5430640

Xulka qaranka Spain ayaa ciyaar 120 daqiiqadood socotay, waxay 5-2 kaga badiyeen Croatia, iyadoo waqtigoodii caadiga ahaana kusoo dhamaaday 3-3 balse waqtigii dheeraadka ahaa laba gool dhaliyey.

Rikoodhadii cajiibka ahaa ee la diiwaangeliyey

Croatia iyo Spain ayaa iska dhaliyey goolashii ugu badnaa ee tartanka qaramada Yurub ee Euro la iska dhaliyo, waxaanay barbarreeyeen rikoodhka kulankii ugu goolasha badnaa ee France vs Yugoslavia ee 1960kii.

Spain waxay nqootay waddankii ugu horreeyey taariikhda qaramada Yurub ee shan gool dhalisa ciyaaro isku xiga.

Croatia waxay dhalisay toddoba gool intii uu socday tartanka Euro 2020, waa markii u horreysay ee ay goolal intaas le’eg ka dhaliyaan Euro.

Kulankan ayaa noqday ciyaartii u horreysay ee shan ciyaartoy oo kala duwan ay min hal gool u dhaliyaan, kulan ka tirsan Euro ama Koob Adduun.

Goolkii uu iska dhaliyey Pedri, waxa uu noqday midkii ugu horreeyey ee taariikhda Euro ay Spain iska dhaliso. Waxa kale oo uu goolkaasi noqday kii ugu masaafada dheereaa ee tartankan ay koox iska dhaliso waxaanu Pedri goolkiisa ka toogtay 49 yard.

Alvaro Morata waxa uu dhaliyey goolkiisii shanaad ee Euro, waxaanu barbarreeyey rikoodhkii goolasha Fernando Torres oo ahaa ciyaartoyga reer Spain ee ugu goolasha badan tartankan.

Pedri oo 18 sannadood iyo 215 maalmood jira ayaa nqoday ciyaartoygii ugu da’da yaraa ee Spain ugu soo bilowda Euro oo marxaladdan maraysa.

Xiddigii garoonka

Ferran Torres oo dhaliyey gool, mid kalena caawiyey ayaa loo doortay xiddigii ugu wanaagsanaa ciyaarta. Laacibkan ayaa qiimaynta kulanka ka helay darajada ugu sarraysay oo ahayd 9, mana jirin laacib kale oo sidaas u wanaagsanaa.

Qiimayntii guud ee ciyaartoyda labada kooxood

Croatia: Livakovic (6), Juranovic (6), Vida (6), Caleta-Car (6), Gvardiol (5), Modric (7), Brozovic (6), Kovacic (6), Vlasic (6), Rebic (6), Petkovic (6).

Beddelka: Orsic (8), Pasalic (8), Kramaric (5), Budimir (6), Brekalo (6).

Spain: Simon (7), Azpilicueta (7), E Garcia (6), Laporte (6), Gaya (6), Koke (6), Busquets (7), Pedri (7), Sarabia (8), Morata (8), Ferran Torres (9).

Beddelka: Pau Torres (6), Olmo (8), Alba (6), Ruiz (6), Oyarzabal (7).

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*