REKOODH: Messi Oo Xalay Baal-Dahaba Ka Galay Taariikhda Argentina & Isku Aadka Wareega Siddeeda Ee Copa America

Kabtanka xulka qaranka Argentina ee Lionel Messi ayaa soo sameeyay rekoodh cajiib ah kulankii xalay xulkiisu uu guusha weyn ee 4-1 ka ah ka gaadhay dhigiisa Bolivia iyaga oo halka ugu sarreysa kaga dhammaystay Group-kooda.

Argentina oo uu Messi la raadinayo koobkiisii ugu horreeyay ee caalami ah ayaa wareega siddeeda ee Copa America la ciyaari doonta dhigeeda Ecuador.

Image

Messi ayaa kulankaas xalay dhacay kasoo samaystay taariikh cajiib ah isaga oo noqday ciyaartoyga abid ugu safashada badan xulka lagu naanayso La Albiceleste.

Messi ayaa dhawaan bar-bareeyay rekoodhka oo uu hore u haystay Javier Mascherano oo 147 jeer soo metelay Argentina. Maaha rekoodhkii ugu horreeyay ee xulkaas ah ee uu Leo majaraha u qabanayo maadaama oo uu sidoo kale 75 gool ku yahay gool dhaliyahooda abid ugu sarreeya.

Marka laga yimaado taariikhdaas, Messi ayaa xalay ciyaartii Bolivia ka sameeyay bandhig heer sarre ah isaga oo isku soo qoray laba gool iyo gool caawin cajiib ah hadal hayn badana dhalisay.

Isku Aadka Wareega Siddeeda Ee Copa America

Image

Image

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*