Real Madrid Oo Soo Bandhigtay 300 Milyan Oo Euro Oo Khasaare Ah Oo Ku Habsaday Xilli-ciyaareedkii Hore

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa soo bandhigtay warbixin xisaabeedkeeda xilli ciyaareedkii hore ee 2020/21, taas oo ay ka muuqato saamayn weyn oo uu ku yeeshay fayraska Korona.

Los Blancos ayaa shaacisay, in khasaare gaadhaya 300 milyan oo Euro uu soo gaadhay tan iyo bishii March 2020, markaas oo ahayd xilligii horyaalka La Liga albaabada loo laabay ee la joojiyey in taageereyaal soo galaan, isla markaana garoonka Estadio Santiago Bernabeu ay ka bilaabeen dibu-dhiska.

Real Madrid

Kooxdu waxa kale oo ay sheegtay, in June 30, 2021, ay kooxdu diiwaangeliyey dakhli gaadhaya 122.1 milyan oo Euro, kaas oo ka hooseeya intii kooxda soo gashay sannad ka hor xilligaas oo kale oo ahayd 125.3 milyan oo Euro.

Warbixinta sannad miisaaniyadeedka Real Madrid ayaan algu soo darin mashruuca dibu-dhiska garoonka Santiago Bernabeu oo ay ku baxayso 375 milyan oo Euro, taas oo 279 milyan oo ka mid ah ay amaah kusoo qaadatay. Miisaaniyadda kooxda ayaa waxa lagu sheegay 534 milyan oo Euro, taas oo aad uga hoosaysa intii ay sannad ka hor ahayd.

Khasaarahan soo gaadhay Real Madrid ayaa waxa uu muujinayaa sida kooxdu u burburtay dhaqaale ahaan, waxaana la filayaa in La Liga uu soo saaro mushaharka ay bixin karayaan xilli ciyaareedka dhowaanta bilaabmaya oo si weyn hoos loogu dhigay, taas oo ku qasbi doonta inay meesha ka saaraan qaar ka mid ah ciyaartoydooda waaweyn.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*