Real Madrid Oo Saxeex Weyn Ku Dhawaaqaysa, Chelsea Oo Rekoodhkeeda Suuqa Jabinaysa & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Kala Iibsiga

Borussia Dortmund ayaa ku biirtay tartanka loogu jiro saxeexa 23 sano jirka daafaca dhexe ee Brighton ee Ben White oo ay sidoo kale xiisaynayaan PSG, Man United iyo Arsenal. (Sun)

Aston Villa ayay dhagtu u taagantahay kaddib markii ay maqashay wararka sheegaya in Chelsea ay dalab 40 Milyan oo pound ah aqbalayso haddii laga soo gudbiyo weeraryahan Tammy Abraham. (Mirror)

Weeraryahanka ree South Korea ee Son Heung Min oo 28 sano jir ah ayaa ku dhaw inuu heshiis cusub u saxeexo Tottenham. (Star)

Inter Milan ayaa u sheegtay dhigeeda Manchester City inaysan dhagaysan doonin dalabaadka laga soo gudbinayo 27 sano jirka weerarka ree Belgium ee Romelu Lukaku. (Calciomercato – in Italian)

Lukaku ayaa sidoo kale lala xidhiidhinayaa kooxdiisii hore ee Chelsea kuwaas oo la sheegayo inay lacag rekoodhka kooxdeeda ah oo 105 Milyan oo pound ah ka bixin karto. (Mail)

Luis Suarez oo ka tagay Barcelona xagaagii hore ayaa u sheegay saaxiibkiisii kooxdaas ee Lionel Messi inuu sii joogo kooxda. (TV3, via Sport)

Barcelona ayaa ka doodaysa inay heshiis 10 sano ah ka saxeexato Lionel Messi taas oo ka dhigan inuu kooxda shaqooyin kale kasii hayn doono kaddib marka uu kubadda cagta ka fadhiisto. (Times, subscription required)

Real Madrid ayaa saxeexa daafaca ree Austria ee David Alaba oo 28 sano jir ah ku dhawaaqi doonta marka uu heshiiskiisa Bayern Munich dhaco xagaaga. (Mundo Deportivo – in Spanish)

Tottenham ayaa tababare Eric Ten Hag u doonaysa bedelka Jose Mourinho, 51 sano jirkaas ayaa doonaya loolan cusub kaddib afar sano oo uu Ajax soo maamulayay. (Guardian)

Dhinaca kale Spurs ayaa wali doonaya saxeexa tababare Brendan Rodgers walow uu macalinka Liecester City u sheegay inuusan xiisaynayn. (Mail)

Leicester ayaa dalab ka gudbin doonta daafaca bidix ee Atalanta ee Robin Gosens oo 26 sano jir ah haddii ay Champions League usoo baxaan xilli ciyaareedka dambe. (Tuttomercatoweb, via Team Talk)

Inter Milan ayaa tixgelinaysa inay heshiis cusub ka saxeexato Ashley Young oo 35 sano jir ah haddii ay horyaalka Serie A ku guuleysato, Watford ayaa ah koox kale oo uu xiiso ka helayo. (Mirror)

Da’yarka kooxda Arsenal ee Bukayo Saka ayaa sheegay inuusan ka labo-labayn inuu heshiis cusub u saxeexo Arsenal walow uu xiiso ka helayay Borussia Dortmund iyo Liverpool wakhtigaas. (ESPN)

Chelsea daafaceeda Dannish-ka ah ee Andreas Christensen oo sanadkiisii 10-aad ku sugan Stamford Bridge ayaa sheegay inuu doonayo inuu heshiis cusub u saxeexo kooxdaas. (Metro)

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

1 Fekrad

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*