Real Madrid Mise Liverpool? Thomas Tuchel Oo Doortay Kooxda Uu Doonayo In Ay La Ciyaaraan Semi-finalka Champions League

Chelsea ayaa iska xaadirisay semi-finalka Champions League markii ugu horreysay tan iyo sannadkii 2014kii, waxaanay xalay kasoo gudubtay FC Porto oo kagaga badisay 1-0, hase yeeshee ay lugtii hore kaga badiyeen 2-0, taas oo u suurtogelisay in ay gacanta sare yeeshaan.

Blues ayaa semi-finalka la ciyaari doonta Real Madrid ama Liverpool midkooda soo gudba caawa, waxaana xaqiiqadu tahay, in kulankii hore ee labadan kooxood ay kooxda reer Spain kusoo adkaatay 3-1, ayna Anfield tegayso iyadoo haysata faa’iido ah in ay libinta lugta hore gacanta ugu jirto.

Haddii ay Liverpool soo gudubto, waxa hubaal ah in koox Ingiriis ahi ay u gudbayso finalka, laakiin haddii Real Madrid ay soo baxdo, waxa meesha ka baxaysa damaanaddaas sababtoo ah wax walba way dhici karayaan.

Kaddib markii ay soo dhamaatay ciyaartii xalay ay Chelsea ugu gudubtay semi-finalka, tababare Thomas Tuchel ayaa la weydiiyey kooxda ay doonayaan in ay soo gudubto Real Madrid ama Liverpool, waxaanu markiiba lasoo booday naadiga uu rumaysan yahay in ay iska celin karayaan.

Tababaraha reer Germany ayaa sheegay in ay doonayaan in Real Madrid ay soo gudubto oo ay la ciyaaraan semi-finalka, waxaanu yidhi: “Caadiyan ma jecli in aanu Champions League la ciyaarno koox aanu isku horyaal nahay, sababtuna waxay tahay kooxaha kale ayaa ku siinaya dareen ah in aad tartan Yurubiyaan ah ciyaarayso. Ciyaartaasi (Liverpool iyo Real Madrid) hubaashii wali may dhamaanin.

“Wax kastaaba waa suurtogal. Liverpool waa koox aad u xoog badan marka ay garoonkeeda joogo, markaa waxa aanu qaadanaynaa waxa aanu doonayno. Anaga waa xaalad noo wanaagsan.

“Semi-finalku waa guul weyn, waa tallaabo weyn oo hore loo qaaday in semi-final ka aanu nimaadno. Caadiyan ma aanaan gaadhi jirin halkan, laakiin mar haddii aad halkan timid, waxaad ciyaaraysaa final.”

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*