Real Madrid & Man City Oo U Gudbay Semi-finalka Champions League, Liverpool Oo Inkaartii Garoonkeedu Qabatay & Haaland Oo Gawso Beelay

Real Madrid iyo Manchester City ayaa iska xaadiriyey semi-finalka tartanka Champions League, kaddib markii ay wareeggii siddeedda kaga soo tallaabsadeen Liverpool iyo Borussia Dortmund.

Manchester City ayaa 2-1 ku garaacday Borussia Dortmund oo ay marti u ahayd, isal markaana ay usbuuca ka hor isla natiijadan oo kale kaga soo badisay Etihad Stadium.

Borussia Dortmund ayaa gool la hormartay ciyaarta waxaana qaybtii hore u saxeexay da’yarka reer England ee Jude Bellingham, hase yeeshee qaybtii dambe ayay City shaqaysatay oo ay la timid laba gool oo midkood rikoodhe ahaa.

Kooxda reer Germany oo niyaddeeda ay gashay in ay badinayso, ayaa waxa lagu qabtay rikoodhe rajo la’aan ka dhigay oo uu gool u beddelay Riyad Mahrez daqiiqaddii 55aad ee qaybta, waxaana xisaabta soo xidhay Phil Foden oo daqiiqaddii 75aad gool qurux badan oo uu goolhayaha birta qaniinsiiyey hoggaanka ugu dhiibay kooxdiisa.

Manchester City oo fursado badan oo kale iska lumisay dhamaadkii ciyaarta, ayaa waxay guushu ku raacday 2-1, waxaana marka la isku geeyo natiijada labadii lugood ay ku kala baxeen 4-2 ay Manchester City kusoo gudubtay.

City ayaa semi-finalka la ciyaari doonta kooxda reer France ee Paris Saint-Germain oo xalay kasoo tallaabsatay Bayern Munich, waxaanu kulankani noqon doonaa mid xiisihiisa leh oo ay iska hor imanayaan laba kooxood oo laga leeyahay Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo colaad kalena dhex martay sannado ka hor.

Dhinaca kale, Real Madrid ayaa semi-finalka kula ballantay Chelsea, kaddib markii ay barbarro goolal la’aan ah ku kala baxeen Liverpool oo ay ugu tagtay Anfield.

Real Madrid oo ciyaartii hore kusoo badisay 3-1, ayaa adkaysatay difaaca, halka Liverpool oo inta badan ciyaarta maamulanaysay ay iska khasaarisay fursado badan oo goolal noqon karayay.

Qaybtii hore ayuu Mohamed Salah lumiyey fursaddii ugu weynayd, waxaana kubbad uu goolhayaha ay isku heleen uu ku toogtay goolka, waxaase lugaha iskaga soo qabtay Thibaut Courtois oo laf-dhuungashay ku noqday Reds.

Sadio Mane iyo Roberto Firmino ayaa iyaguna fursado lumiyey, halka kubbad cajiib ah oo uu goolka ku toogtay James Milner uu faro-ciddidood kaga saaray Courtois.

Real Madrid ayaa iyaduna heshay fursado ay rajo la’aan kaga dhigi karaysay Liverpool waqti horeba, waxaana qaybta hore birtu soo celisay kubbad uu Karim Benzema baas bixinayay laakiin difaaca Liverpool isku qabteen, halka Vinicius Junior uu isaguna kubbad ula tegay goolhaye Alisson Becker oo ka kusoo degdegay.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 0-0, hase yeeshee celceliska labadii kulan ayay Real Madrid kusoo gudubtay 3-1.

 

 

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*