Real Madrid Iyo AC Milan Oo Xiddig Man United Ah Isku Haysta, Arsenal Oo Dafirtay Xiddigii Ay Doonaysay & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa

Paris St-Germain ayaa meel fiican marinaysa wadahadalada ay kula saxeexanayso Sergio Ramos kaddib markii heshiis 35 sano jirkaas ee Real Madrid uu dhacay. (ESPN)

Manchester United ayaa doonaysa inay weeraryahan la saxeexato waxaana ay u doorteen Dominic Calvert-Lewin oo ah dhaliyaha Everton. (Sun)

Wargaysyada

Declan Rice ayaa laba dalab oo heshiis kordhin ah ka diiday kooxdiisa West Ham United waxaana uu u sheegay in lagu soo wargeliyo suurogalnimada uu ugu biiri karo Chelsea, Man United iyo Man City. (Guardian)

Tababaraha cusub ee Tottenham ee Nuno Espirito Santo ayaa loo sheegay in haddii uusan isagu ku faraxsanayn aan laga iibin doonin weeraryahan Harry Kane xilli la filayo in Kane dib usoo nooleeyo rabitaankiisa ah bixitaan. (Telegraph – subscription required)

Everton aayaa rajaynaysa inay saxeexa Ben White oo 23 sano jir ah ku garaacdo Arsenal xilli Gunners durba laba dalab oo hore laga soo diiday. (Mail)

Arsenal ayaa shaacisay inay dalab ka gudbisay 23 sano jirka kooxda Sassuolo ee Manuel Locatelli balse dafirtay inay wax dalab ah u gudbisay kooxdiisa Sassuolo. (Times – subscription required)

Juventus ayaan Cristiano Ronaldo ka helin wax calaamad ah oo uu ku muujinayo inuu doonayo inuu kooxda iskaga tago sida uu sheegay madaxa fulinta kooxdaas ee Federico Cherubini. (Goal)

Barcelona ayaa rajaynaysa inay dhammaystirto heshiiska ay Junior Firpo kaga iibinayso Leeds United halka ay sidoo kale filanayso inay qaab amaah ah ku dirto Miralem Pjanic oo ay xiisaynayaan Juventus iyo Tottenham. (Sport)

Liverpool oo raadinaysa bedelka Georginio Wijnaldum oo PSG kaga biiray ayaa indho indhaynaysa Yves Bissouma oo Brighton ka tirsan iyo Ryan Gravenberch oo Ajax qayb ka ah. (Liverpool Echo)

Tottenham ayaa la filayaa inay Everton kula loolanto saxeexa 28 sano jirka daafaca dhexe ee Wolves ee Conor Coady. (Football Insider)

Tottenham ayaa dalab 15 Milyan oo euro ah ka gudbisay daafaca kooxda Bologna ee ree Japan ee Takehiro Tomiyasu kaas oo ay sidoo kale xiiso u muujiyeen Man United iyo Atalanta. (Athletic)

Arsenal ayaa xiisaynaysa inay Willian iska iibiso xagaagan balse dalabaadka mushahar ee 32 sano jirkaas ayaa hakinaya kooxaha doonaya. (Football London)

Real Madrid ayaa gashay tartanka daafaca midig ee Man United ee Diogo Dalot lagu doonayo, AC Milan oo uu amaah kula joogay xilli ciyaareedkii hore ayaa ku jirta wadahadalo ay qaab rasmi ah ugu doonayso. (Calciomercato – in Italian)

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*