RASMI: Zinedine Zidane Oo Shaaciyey Liiska Xiddigaha Real Madrid Ee Kulanka Real Betis – Hazard & Modric Oo Soo Laabtay

Real Madrid ayaa dib u heshay xiddiga reer Belgium ee Eden Hazard oo kasoo kabtay dhaawac uu muddo ku maqnaa, waxaana uu ka mid noqday liiska ciyaartoyda Los Blancos ee Real Betis ee  Sabtida.

Hazard oo toddobaadyadii ugu dambeeyey tababarka la qaadanayay ciyaartoyda Real Madrid ayaa ugu dambayntii si buuxda jidh ahaan taam ugu noqday, waxaana uu ka sokow ciyaarta Real Betis uu ka hor tegi doonaa kooxdiisii hore ee Chelsea oo semi-finalka Champions League ay toddobaadkan lugtiisa hore wada ciyaari doonaan.

Real Madrid waxa kale oo usoo laabtay xiddiga khadka dhexe ee Luka Modric oo kulankii ugu dambeeyey ee Cadiz ay kooxdiisu ku garaacday kaga maqnaa dhaawac kasoo gaadhay dhabarka.

Dani Carvajal oo ciyaartii Arbacadii beddel kusoo galay kaddib dhaawac muddo bilo ah qaatay ayaa isaguna ciyaarta Real Betis u diyaarsan in uu kusoo bilowdo.

Luka Modric iyo Eden Hazard ayaa kusoo bilaaban doona kaydka sida la filayo.

Toni Kroos ayaa wali ku maqan dhaawac oo labadii ciyarood ee ugu dambeeyeyna seegay, waxaase uu tababarkii subaxnimadii saaka ku sameeyey meel gaar ah iyadoo aanu ciyaartoyda kalena soo dhex-gelin.

Waxa kale oo dhaawacyo u jiifa Sergio Ramos iyo Lucas Vazquez, halka Fede Valverde uu ku jiro karantiilka fayraska Korona.

Xiddigaha Real Madrid ee kulanka Real Betis:

Goolka: Thibaut Courtois, Lunin iyo Altube.

Defenders: Dani Carvajal, Eder Militão, Raphael Varane, Nacho Fernandez, Marcelo iyo Alvaro Odriozola.

Midfielders: Luka Modrić, Casemiro, Isco, Arribas iyo Blanco.

Forwards: Eden Hazard, Karim Benzema, Marco Asensio, Vinicius Jr., Mariano Diaz iyo Rodrygo Goes.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*