RASMI: Xiddigaha Man City Ee Kulanka PSG Oo Lasoo Saaray Iyo Ciyaartooyo Aanad Waligaa Maqal Oo Ku Jira

Manchester City ayaa u yeedhay kabtanka kooxdeeda 18-jirka ee Kwaku Oduroh oo qayb ka noqday kulanka Champions League ee wareegga semi-finalka ay habeen dambe la ciyaari doonaan Paris Saint-Germain.

Oduroh oo ay da’diisu tahay 18 jir, kana ciyaara difaaca midig ayaa kasoo muuqday dhamaan kulamadii kooxdiisa ee horyaalka Premier League ee da’yarta U18 ee xilli ciyaareedkan, ayaa 20 ciyaarood oo uu saftay waxa uu sameeyey saddex caawimood.

Manchester City ayaa soo saartay liiska xiddigaheeda safarka ku tegaya magaalada Paris, halkaas oo ay habeen dambe kula soo ciyaari doonaan Paris Saint-Germain lugta hore ee wareegga semi-finalka Champions League.

Liiska ciyaartoyda Manchester City oo ka kooban kooxda koowaad (A team) iyo liiska labaad ee da’yarta (B List) ayaa waxa marka laga yimaaddo Kwaku Oduroh ku jira laacibiinta kale ee Louise Moulden, Ciaran Slicker, Dionkou, Garcia iyo James Trafford.

B List, ayaa waxa kale oo lagu soo daray Eric Garcia, Phil Foden, Dommy Dole, Adrian Bernabe, Cole Palmer, Felxi Nmecha iyo James McAtee.

Xiddigaha rigliga ah ee kooxda ayaa waxa dib ugu soo laabtay Nethan Ake oo safarka qayb ka noqday, laakiin Dias, Stones iyo Laporte oo lagu daray Cancelo oo ah xulashada koowaad ee Guardiola ayaa iyaguna diyaar ah.

Ilkay Gundogan, Rodri, De Bruyne, Bernardo, Torres iyo Ferinandinho ayaa iyaguna diyaaradda hore ka fuulay, halka Riyad Mahrez, Sterling, Jesus iyo Aguero ay iyaguna qayb ka noqday.

Xiddigaha Manchester City ee u safray magaalada Paris:

Goolka: Ederson, Steffen, Carson

Difaaca: Walker, Dias, Stones, Ake, Zinchenko, Laporte, Mendy, Cancelo

Khadka dhexe: Gundogan, Rodri, De Bruyne, Bernardo, Torres, Fernandinho.

Weerarka: Mahrez, Sterling, Jesus, Aguero.

‘B List’: Moulden, Slicker, Trafford, Garcia, Dionkou, Oduroh, Foden, Doyle, Bernabe, Palmer, Nmecha, McAtee.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*