RASMI: UEFA Oo U Quus-goysay Waddanka Turkey Oo Hore Loogu Sasabay In UEFA Super Cup Loogu Beddelayo Finalkii Champions League Ee Laga Wareejiyey

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa shaacisay halka lagu ciyaari doono kulanka UEFA Super League ee Chelsea iyo Villarreal, kaas oo la filayay in laga beddelo Belfast oo hore loogu qoondeeyey, lana geynayo waddanka Turkey oo laga soo raray finalkii Champions League ee ay ahayd in lagu qabto magaalada Istanbul.

Manchester City iyo Chelsea ayaa helay fursad loogu soo dhoweeyey kulankii finalka ee dhamaadka Sabtidii hore oo lagu qabtay Porto kaddib markii uu Ingiriisku liiska cas ku daray Turkey, taas oo keentay in laga soo raro ciyaartaas.

Kaddib markii ay soo guuleysatay Chelsea, waxay ciyaarta Koobka ah ee UEFA Super Cup ay iskugu yimaaddeen Villarreal oo iyaduna koobka Europa League ka qaadday Manchester United.

Chelsea ayaa hore u timid Super Cup sannadkii 2012 markii ay ku guuleysatay Champions League, laakiin saddexlay uu ka dhaliyey Ramadel Falcao ayaa u horseeday in Atletico Madrid ay ku karbaashto 4-1, sidaasna ay kooxda reer London faro madhan kaga tagto koobkan. Waxa kale oo ay yimaaddeen Super Cup sannadkii 2019 oio ay Liverpool ka qaadday.

Laakiin sannadkii 1998kii ayay ku guuleysteen iyagoo 1-0 ku garaacay Real Madrid oo iyaduna kusoo guuleysatay Champions League.

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa meesha ka saaray soo jeedintii ahayd in kulanka Super League loo wareejiyo Istanbul oo magdhow ahaan loogaga dhigo finalkii Champions League ee laga wareejiyey.

UEFA ayaa qoraal ay soo saartay waxay ku sheegtay, in ciyaarta koobka ah ee Super League ay ka dhici doonto garoonka Windsor Park ee magaalada Belfast, marka ay taariikhdu tahay August 11, saacadduna tahay 8pm waqtiga UK.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*