RASMI: UEFA Oo Ku Dhawaaqay Liiska Afarta Ciyaaryahan Ee Ku Tartamaya Xiddigii Ugu Fiicnaa Champions League Toddobaadkan

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay afarta xiddig ee ku tartami doona ciyaaryahankii ugu fiicnaa tartanka UEFA Champions League kulamadii laga ciyaaray xalay iyo habeen hore.

Afarta xiddig ayaa kala ah Neymar Junior oo Paris Saint-Germain ah, da’yarka Chelsea ee Christian Pulisic, bur-buriyaha Real Madrid ee Casemiro iyo kubad sameeyaha Manchester City ee Ilkay Gundogan.

Aan ku bilawnee Neymar ayay kooxdiisa PSG guuldarro 1-0 ah kala soo kulantay dhigeeda Bayern Munich habeen hore balse soo sameeyay bandhig guud ahaaneed oo cajiib ah isaga oo kooxdiisa ka caawiyay inay gudubto.

Dhinaca kale Pulisic ayaa isagana kooxdiisa Chelsea ay guuldarro 1-0 ah kala kulantay dhigeeda FC Porto balse isaga qudhiisa ayaa ahaa mid ciyaartiisu ay ilqabad lahayd iyadoo loo doortay xiddigii ugu fiicnaa kulankaas si lamid ah saddexda xiddig ee kale.

Casemiro ayaa udub dhaxaad u ahaa kooxdii Real Madrid ee xalay bar-bardhaca 0-0 ka ah lasoo gashay Liverpool, kubad bur-buriyaha ree Brazil ayaa ahaa mid daboolayay daafaca kooxdiisa.

Ugu dambayn Gundogan oo xilli ciyaareedkan wacdarro ku dhigaya Man City ayaa kamid ahaa xiddigihii xalay guusha 2-1 ka ah kusoo gaadhay Signal Iduna Park ee ka adkaaday Borussia Dortmund.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*