RASMI: Uefa Oo Ku Dhawaaqay Goolkii Ugu Qurxoonaa Euro 2020 & Sida Loo Kala Horreeyo (DAAWO)

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay guuleystaha goolkii ugu qurxoonaa tartankii soo dhammaaday ee Euro 2020 kaas oo goolal badan oo cajiib ah laga soo dhaliyay.

Goolkaas ayuu ku guuleystay weeraryahankii xulka Czech Republic ee Patrick Schick kaas oo darbo cajiib ah oo uu badhtamaha garoonka ka laagay ka dhaliyay xulka Scotland wareegii koowaad ee heerka Group-yada.

Image

Schick ayaa ahaa mid ku dhawaad 50 meter u jira goolka markii laagiisii uu ku garaacay shabaqa goolhaye David Marshall, goolkiisaas ayaa helay ku dhawaad cod 800,000 oo qof ah oo ka coddeeyay bogga rasmiga ah ee UEFA.

Xiddiga Bayer Leverkusen ayaa Euro 2020 kaga tagay sumcad cajiib ah, marka laga yimaado in goolkiisii loo doortay midkii ugu fiicnaa sidoo kale waxa uu tartanka guud ahaan kasoo dhaliyay shan gool isaga oo la mid ahaa Cristiano Ronaldo oo gool dhalintii ku guuleystay.

Czech ayaa guud ahaan tartanka isku soo muujiyay iyaga oo Group D kaga soo baxay afar dhibcood isla markaana wareega 16-ka ku reebay xulka Netherlands kahor inta aysan iyaga wareega siddeeda Denmark kaga cidhib tirin koobka.

Booska labaad ayuu galay goolkii uu Paul Pogba kasoo dhaliyay xulka Switzerland halka uu saddexaad soo galay midkii Luka Modric uu shabaqa Scotland lasoo gaadhay.

Liiska 10-ka Gool Iyo Sida Ay U Kala Horreeyaan

1 Patrik Schick (Czech Republic v Scotland)

2 Paul Pogba (France v Switzerland)

3 Luka Modric (Croatia v Scotland)

4 Lorenzo Insigne (Italy v Belgium)

5 Kevin De Bruyne (Belgium v Denmark)

6 Cristiano Ronaldo (Portugal v Hungary)

7 Alvaro Morata (Spain v Italy)

8 Mikkel Damsgaard (Denmark v England)

9 Andriy Yarmolenko (Ukraine v Netherlands)

10 Federico Chiesa (Italy v Spain)

Halkan Ka Daawo Muuqaalka

 

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*