RASMI: Tottenham Oo Magacowday Tababare Cusub – Muxuu Yahay Dhaawaca Kaga Yaalla Madaxa?

Kooxda kubadda cagta Tottenham ayaa magacowday tababare cusub oo ku-meelgaadh ah oo beddelaya Jose Mourinho oo shaqada laga caydhiyey.

Tottenham ayaa xaqiijisay in si ku-meelgaadh ah uu kooxda usii laylin doono laacibkeedii hore ee khadka dhexe ee Ryan Mason oo ay da’diisu tahay 29 jir.

Mason oo ciyaaraha ka fadhiistay sannadkii 2018 kaddib dhaawac halis ahaa oo kasoo gaadhay madaxa, isla markaana ay laftu jabtay, kuna qasbanaaday in uu garoomada macasalaameeyo ayaa hore u ahaa tababaraha kooxda da’yarta ee Tottenham.

Dhaawaca madaxa kasoo gaadhay Ryan Mason ayaa yimid markii ay madaxa isku dhufteen difaacii iyo Kabtankii hore ee Chelsea ee John Terry.

Kulankiisa ugu horreeya ee uu hoggaamin doono Spurs ayaa ah ciyaarta Arbacada habeen dambe ay kula ballansan yihiin Southampton taas oo ka tirsan horyaalka Premier  League

Maanta oo Salaasa ah ayuu Mason warbaahinta hor-iman doonaa, isagoo qabanaya shirkiisii ugu horreeyey ee tababarenimo.

Kulankiisa labaad ayaa noqon doona ciyarta Axadda ay finalka Carabao Cup la ciyaari doonaan Manchester City, taas oo u noqon doonta tijaabo, laguna qiimayn doono haddii uu nasiibkiisu ku beego koobka oo ay kooxdiisu qaaddo.

Ciyaartaas oo ka dhici doonta garoonka Wembley ayaa la filayaa in uu dhiirigelin dheeraad ah siiyo ciyaartoyda kooxda, isagoo maskaxdooda illowsiinaya waqtigii adkaa ee ay soo mareen.

Tottenham waxa kale oo ay sheegtay in ay ku-xigeenno u noqon doonaan Chris Powell iyo Nigel Gibbs, halka Michel Vorm uu isaguna noqon doono tababaraha goolhayaha iyo sidoo kale Ledley King oo sii wadan doona in uu ahaado ku-xigeenka tababaraha kooxda koowaad.

Guddoomiyaha ahna Mulkiilaha Tottenham ee Daniel Levy ayaa yidhi: “Aaminaad weyn ayaanu ku qabnaa ciyaartoyda kooxdan ee hibada leh. Waxa nagu soo waajahan finalka Koobka  iyo lix ciyaarood oo horyaalka Premier League ah, waxaananu hadda diiraddayada oo dhan saaraynaa sidii aanu tamartayada oo dhan iskugu geyn lahayn in aanu xilli ciyaareedka ku dhamaysano si xooggan.”

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

2 Fekradood

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*