RASMI: Tababarihii Ugu Fiicnaa Premier League Bishii March Oo La Magacaabay – Yaa Guuleystay Thomas Tuchel Thomas & Ole Gunnar Solskjaer?

Thomas Tuchel ayaa ku guuleystay abaalmarinta tababarihii ugu fiicnaa horyaalka Premier League bishii March.

Tababaraha Chelsea ayaa ku guuleystay abaalmarinta markii ugu horeysay ka dib labo bilood uu joogo Stamford Bridge isagoo noqday tababarihii labaad ee Jarmal ah oo ku guuleysta ka dib Jurgen Klopp.

Tuchel wins Barclays Manager of the Month award

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan helay abaalmarintaan, waxaan aaminsanahay inay guul weyn u tahay qof walba oo kooxda ka tirsan oo shaqo adag qabtay todobaad walba” ayuu Tuchel u sheegay shabakada Chelsea.

“Abaalmarintaan suurtogal ma noqoteen haddii aysan ahaan laheyn shaqada adag ee shaqaalaheyga tababarka iyo guud ahaan maamulka kooxda oo guulo nagu hogaamiyay.

“Ugu danbeyn waxaan doonayaa inaan xuso shaqada adag ee ay qabteen ciyaartoyda kuwaasoo dadaalkooda ugu badan bixiyay tan iyo markii aan imid.”

Tuchel ayaa ku bilowday bisha March guul 1-0 oo ay kooxdiisa Anfield kaga gaartay Liverpool.

Waxaa ugu xigtay 2-0 oo ay kaga badiyeen Everton ka hor inta uusan Tuchel goob joog u noqonin kooxdiisa oo barbaro goolal la’aan ah la gashay Leeds United, isagoo aan laga badinin 10 kulan oo Premier League ah.

Tuchel ayaa ka qaaday abaalmarinta tababarayaasha kala ah Graham Potter, Brendan Rodgers iyo Ole Gunnar Solskjaer.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*