RASMI: Taageeraayshii Ugu Badnaa Ee Loo Ogolaaday Kubada Cagta Ingariiska & Kooxaha Premier League Ee Nasiibka U Yeeshay

Kulanka semi-finalka FA Cup ee u dhaxeeya Leicester City iyo Southampton ayay dowlada Ingariiska u dooratay inay noqoto kulanka lagu tijaabinayo in taageerayaasha ay ku soo laabtaan garoomada.

Kulankaan oo dhacaya 18ka bisha April ayaa lagu hor ciyaari doonaa 4 kun taageeraal ah oo soo xaadiraya garoonka Wembley Stadium, laakiin sharuuda ayaa ah in taageerayaasha ay noqdaan kuwa degan hareeraha Wembley bedelkii ay ahaan lahaayeen taageerayaasha labada kooxood.

Shaqaalaha caafimaadka ayaa sidoo kale lagu martiqaadayaa inay soo xaadiraan kulankaan taasoo bilow u noqoneysa qorshaha la doonayo inay taageerayaasha dib ugu soo noqdaan garoomada xagaagan iyo xilli ciyaareedka soo socda.

Dowlada Ingariiska ayaa sheegtay in kulankaan uu baaris u noqonayo sida taageerayaasha looga dhigi karo kuwa badbaada qaba oo raaci kara fariimaha caafimaadka.

Si kastaba rajada ayaa ah in natiijada ka soo baxda tijaabadaan inay horseedi doonto tijaabooyin kale oo dhaca bishaan April iyo May taasoo keeni doonta in taageerayaal badan loo ogolaado ciyaaraha Qaramada Yurub kuwooda ka dhacaya dalka Ingariiska.

Dowlada Ingariiska ayaa la filayaa inay ku dhawaaqi doonto 14 dhacdo isboorti oo si tijaabo ah taageerayaasha loogu ogolaan doono garoomada, iyadoo kulankaan FA Cup uu kow ka yahay.

Liiska waxaa sidoo kale ku jira finalka Carabao Cup ee Tottenham iyo Man City ee dhacaya 25ka April iyo finalka FA Cup ee la qabanayo 15ka May.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*