RASMI: Real Madrid Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqday Eduardo Camavinga

Kooxda kubadda cagta  Real Madrid ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday heshiiska laacibka khadka dhexe ee Eduardo Camavinga oo ay kala soo wareegtay kooxda Faransiiska ee Rennes iyadoo kasoo bixisay 30 milyan oo Euro.

Muuqaal daawasho ah ayay Real Madrid ku shaacisay heshiiska Eduardo Camavinga oo ay xalay dhamaystirtay heshiiskiisa kaddib markii ay iskaga hadheen Kylian Mbappe oo ay ku guul-darraysteen inay gacanta ku dhigaan.

Cavinga 1

Florentino Perez oo xagaagan oo ay ka go’nayd inuu Mbappe kooxda keeno ayaa markii ay u suurtogeli weyday waxa uu u jeedsaday Camavinga oo labadii sannadood ee ugu dambeeyey ku jiray diiraddooda, isla markaana ay ku wada xafiiltamayeen kooxaha Manchester United, PSG iyo Chelsea oo iyadu waqti dambe iskaga baxday.

Real Madrid ayaa qoraal ay ku faahfaahinayso heshiiska Camavinga waxay ku sheegtay inuu laacibkani u saxeexay heshiis lix sannadood ah oo soconaya illaa sannadka 2027, waxaana lacagta ay ku iibsatay ku iman kara korodh haddii uu laacibkani guulo waaweyn la gaadho.

18 jirkan reer France oo bandhig wanaagsan ka sameeyey Ligue 1 tan iyo markii ay da’diisu ahayd 16 jir ee uu usoo dallacay kooxda koowaad ee Rennes ee uu kulliyaddeeda kasoo baxay ayay Real Madrid heshiiskiisa dhamaystirtay maalinta ugu dambaysa suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*