RASMI: Natiijada Doorashada Madaxweynenimo Ee Real Madrid Oo Soo Baxday & Haddii Perez Lagu Garaacay

Jagada madaxweynenimo ee kooxda Real Madrid ayaa markii shanaad ee xidhiidh ah loo doortay Florentino Perez iyo markii lixaad ee uu guud ahaan kooxdaas madaxweyne ka noqdo.

74 sano jirkaas ayaa ahaa mid aan wax mucaarid ah oo la tartama lahayn doorashadii la qabtay toddobaadkii hore waxaana guuleystaha oo isaga ah la shaaciyay maanta oo Salaasa ah.

Real Madrid president Florentino Perez tests positive for COVID-19 - Sportsnet.ca

Perez ayaa hadda madaxweyne ka ahaa Real Madrid mudo 12 sano ah tan iyo markii uu Ramon Calderon kala wareegay jagadaas sanadkii 2009.

Sidoo kale Perez ayaa ahaa madaxweynihii kooxda ee Ramon Calderon kahor isaga oo kooxda hoggaamiyay intii u dhaxaysay 2000 ilaa 2006.

Inta uu Perez jagada madaxweynenimo ee kooxda hayay, Real Madrid ayaa kusoo guuleysatay koobka Decima oo ahaa Champions League-dii 10-aad sanadkii 2014.

Sidoo kale Los Blancos ayaa intaas kaddib saddexley Champions League ah oo xidhiidh ah kusoo guuleystay sanadihii 2016, 2017 iyo 2018 waxaana intaas dheer inay horyaalo dhawr ah qaadeen mudada uu Perez joogay.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*